Home » Maxaa Cusub » Bailly Corgan oo lagu badalay Dixie Carter xilli madax loogaaga dhigay Bandhiga TNA.

Bailly Corgan oo lagu badalay Dixie Carter xilli madax loogaaga dhigay Bandhiga TNA.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-08-16 1:32 PM

Bailly Corgan ayaa loo magacaabay inuu noqdo ninka cusub ee maamuli doona Shirkada Bandhiga Musaarada caanka ah ee TNA, waxa uu Bailly mas’uul ka noqon doonaa bandhigyada dhacayo maalin waliba.

Naagtii horey u haysey xilka Dixie Carter ayaa isna loo magacaabay inuu noqoto Madaxa maareynta, waxa ayna diirada saari doonta qorshayaasha fog fog ee TNA ga.

“Waxaan gali doonaa marxalad cusub taas oo aan dooneyno inaan ku hor marino bandhigeena, waxaan qeexi doonaa ujeedkeena, dhanka guusha ayaan u weecin doonnaa marxaladdan cusub, waxaan rajeyneynaa inaan helno maalgashiyo” Carter ayaa sidaas u sheegtay bogga Rasmiga ah ee WWE.

“Sanadan waxaan helnay awoodo badan oo dhanka maalgashiga ah, waxa ayna inaga caawin doontaa mustaqbalka” ayey kusoo afmeertay hadalkeeda.