Home » Arimaha Bulshada » Yey ku da’yihiin John Cena, Randy OrtonBray Wyatt iyo Lagdan yahano kale oo badan (Daawo).

Yey ku da’yihiin John Cena, Randy OrtonBray Wyatt iyo Lagdan yahano kale oo badan (Daawo).
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-08-16 12:46 PM

Waxa ay had iyo goor jecel yihiin dadka ku xeran daawashada Bandhiga WWE ga iney wax badan ka ogaadaan musaaracada iyo legdan yahanada kasoo muuqda bandhigaas, sida John Cena, Kane, Big Shaw, Triple H iyo kuwa kale oo badan.

Hadaba maanta waxa ay shabakadda Somalistars idin soo gudbin doontaa 5 kamid dadka ugu caansan Musaaracada kuwaas oo la da’ ah shaqsiyaad caan ka ah dunida.

John Cena vs Shakira (39 Sanno).

Cena vs Shakira

Ninka 15 ka jeer ku guuleystay World Heavyweight Champions misena noqday American Champions 5 jeer John Cena waxa uu ku da’ yahay Gabadha heesaayad ah ee u dhalatay dalka Colombia Shakira, Shakira oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Lebanon ayaa iyada iyo John Cena waxa ay jiraan min 39 Sanno.

Renee Young vs Robert Pattinson (30 Sanno).

Renee Young vs Robert Pattinson

Gabadha u dhalatay dalka Canada ayaa dowrar kala duwan ku leh Bandhiga WWE, Waxa ay hormuud ka tahay gabadhan bandhig la dhaho Renee Young oo ka baxa WWE ga, waxa ayna isku da’ yihiin jilaaga caanka ee u dhashay dalka Ingiriiska Robert Pattisnson.

Shasha Banks vs jack gleeson (24 Sanno).

 

Sasha Banks vs Jack Gleeson

Boqoradii hore ee Bandhiga NXT Sasha Banks oo ah gabar kasoo jeeda Mareykanka ayaa waxa ay ku da’ tahay jilaaga u dhashay dalka Ireland Jack Gleeson oo ku caan baxay dowr boqornimada uu ku jilay musalsalka Game of Thrones.

Randy Orton vs Laura Prepon (36 Sanno).

Randy Orton vs Laura

Ninka ku caan baxay Akshanka RKO ee lagu naaneeso The Viper Randy Orton kana mid ah Lagdan yahanada ugu caansan kuwa sameeya Bandhiga WWE ga ayaa ku da’ ah jilaayada u dhalatay dalka Mareykanka ee Laura Prepon waxa ay caan ku tahay inantan jilista Musalsalada waxa ayna kasoo muuqatay Musalsalada kala ah Are You There Chelsea, Love Bites, October Road, the 70 Shaw, Orange is the Black iyo The Farm Fite, waxa ayna wada dhasheen labadan shaqsi isku sanad iyaga oo dhashay sanadkii 1980 kii.

Bray Wyatt vs Drake (29 Sanno).

Bray Wyatt vs Drake

Hogaamiyaha kooxda Bray Wyatt ninka lagu magacaabo Windham Lawrence Rotunda ayaa ku da’ ah heesaaga reer Canada Aubrey Drake Graham kaas oo loo yaqaan Drake waxa ay labadan shaqsi jiraan 29 sanno.

Lasoco Qeybta kale xilligan oo kale berri haduu alle idmo