Home » Hollywood » Bethenny Frankel iyo Jason Hoppy Finaliz oo ugu dambeyn kala go’ay kadib afar sano oo ay xaaladooda cakirneyd

Bethenny Frankel iyo Jason Hoppy Finaliz oo ugu dambeyn kala go’ay kadib afar sano oo ay xaaladooda cakirneyd
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 19-07-16 9:07 AM

In kabadan sedex sano oo ay wada noolaayeen Xidigta reer New York ayey ugu dambeyn soo kasoo idlaatay la noolaanshihii ay la nooleyd Jason Hoppy kuwaas oo si rasmi ah u shaaciyey in xiriirkooda soo gaba gaboobay.

 

Jason ayaa ku qanacsan in qeyb kamid ah noloshiiseedii xumeyd ay soo idlaatay, waxa ayna ku qanacday go’aankii kasoo baxay, “waxaan ku faraxsanahay in si fudud ay kusoo idlaatay arintan” ayay E! News u sheegtay Dhanka kale waxaa xusid mudan in Jason ay aheyd shaqsigii ugu horeyay ee usoo bandhigay warbaahinta in xiriirka iyada iyo lamaanaheeda kala dhaxeeyey uusoo idlaaday.

 

Jason ayaa ugu dambeyn ku faraxday iney heli doonto fursad ay la wadaagto gabadheeda yar kadib afar sano oo ay soo socotay arintan kala maqnaashaha gabadheeda iyo iyada Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay iney kala haraan labadan lamaane ee jaceylka kusoo wadaagay meelaha ka baxsan Camera da la iska arko, waxaana xusid mudan in Bethenny Frankel iyo Jason Hoppy ay is guursadeen sanadkii 2001 da.