Home » Maanta » Brock Lesnar Oo Daroogo Isticmaalay Ka Hor Dagaalkii UFC 200, Miyuu Ciqaab Wajihi Doonaa?

Brock Lesnar Oo Daroogo Isticmaalay Ka Hor Dagaalkii UFC 200, Miyuu Ciqaab Wajihi Doonaa?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-07-16 10:32 AM

Brock LesnarHoryaalkii hore ee UFC Heavyweight Champion wiilka lagu magacaabo Brock Lesnar ayaa la xaqiijiyey inuu ku guuldarreystay baaritaan lagu sameeyey dhiggiisa isla markaana laga helay inuu isticmaalay daroogo ama dawooyin ka mamnuuc ah xirfadleyaasha kuwaasoo sarre u qaadaya tayada xirfadlaha.

Sida ay xaqiijiyeen inta badan wargeysyada ka hadla arrimaha musaaricada iyo feerka UFC, Lesnar ayaa baaritaankaan lagu sameeyey 28kii bishii lasoo dhaafay ee June. Laakiin waxaa la ogaaday inuu isticmaalay dawooyin mamnuuc ah.

Lesnar ayaa loo fasaxay inuu galo dagaalkii UFC 200 markaasoo uu guul gaaray ka dib markii lagu sameeyey seddax baaritaan dhiggiisa isla markaana loo sheegay inaan wax dhibaato ah laga helin bartamihii bishii June.

Haatan, waxaa soo baxay wararkaan sheegaya inuu isticmaalay daroogo si tayo ahaan uu sarre u kaco isla markaana uu jirkiisu yeesho difaac xad dhaaf ah, sida laga soo xigtay United States Anti-Doping Agency.