Home » Ciyaaraha » Casemiro Oo Ka Hadlay Farqiga U Dhexeeya Neymar Iyo Cristiano Ronaldo, Midkee Ayaa Fiican Aragti Ahaantiisa?

Casemiro Oo Ka Hadlay Farqiga U Dhexeeya Neymar Iyo Cristiano Ronaldo, Midkee Ayaa Fiican Aragti Ahaantiisa?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-10-16 3:58 PM

Neymar ayey waqti badan ku qaadan doontaa inuu gaaro heerka uu Cristiano Ronaldo haatan ka taagan yahay kubadda cagta marka la fiirsho abaalmarinnada iyo awooddiisa, sida uu qabo saaxiibkiisa xulka qaranka Brazil ninka lagu magacaabo Casemiro.

Burburiyaha qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Casemiro ayaa daaha ka qaaday inay sannado badan u dhimman yihiin xiddiga kooxda Barcelona si uu usoo qabto xiddiga ay xifaaltamaan ee kooxda Real Madrid.

Inkastoo uu 24 sanno jir yahay, hadana Neymar wuxuu qaaday koobab badan, marka la fiirsho inuu Brazil ku hogaamiyey hanashada Billadda Dahabka ah ee ciyaarihii Olympics, sidoo kale wuxuu ka qeyb ahaa kooxdii Barcelona ee seddaxleyda koobabka ah ku guuleysatay, laakiin weli kama soo muuqan liiska kama dambeysta ah ee musharrixiinta abaalmarinta Ballon d’Or.

 “Neymar dhowr sanno ayuu ka dambeeyaa Ronaldo,” Casemiro ayaa sidaasi u sheegay Onda Cero. “Waxa uu Ronaldo ka sameeyey kubadda cagta tobankii sanno ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen wax cajiib ah, waxaana hubanti ah inuu ku guuleysan doono abaalmarinta sannadkaan ee Ballon d’Or.”

Xiddiga reer Brazil ayaa haatan dhaawac uga maqan kooxdiisa Real Madrid si la mid ah Sergio Ramos iyo Luka Modric waxaana la filayaa inuu seego kulanka Isbuuc dhammaadkaan ay wajahayaan kooxda Real Betis.