Home » Dhacdooyinka » Ceeb Daawo Muqaalka Aduunka ugu Yaabka Badnaa & Quruxley Lateysha Grace.

Ceeb Daawo Muqaalka Aduunka ugu Yaabka Badnaa & Quruxley Lateysha Grace.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 17-07-16 12:13 AM

23 Sanno Jirtaan Rer Wales Lateysha Grace ayaa Isbuucaan ku dhacday Ceeb Weyn Iyada oo Si Toos ah ugu qeyb qadaneyso  Showga Caanka ka ah UK ee Big Brother  waxaana dhinaceyda Fadhiyay Tabiyaha logu jecel yahay UK Rylan Clark- Neal  Lateysha  iyo Rylan oo caan ka ah UK Waxa  hore usoo Dhexmaray  xiriirka jaceyl , Labadaan  Shaqsi ayaa waxay si toos ah bandhig xiiso leh ugu heysteen Channel 5 Isbuucaan.

Clark-Neal ayaana ka codsaday Lateysha inay soo bandhigto sheeno ay kaga yaabsaneyso daawadeyaasha Ku Tixin  barnaamijkaan Big Brother.

Si kastaba ha ahaatee  Quruxleydaan qoobka ciyaarka looga dambeeyo isla markaana heesaaga ah, taasoo hore u sheegtay inay kasoo horjeedo aragtida ah inay dumarku nigis xirtaan ayaa ceeb weyn ka qaadatay halkaas  Lateysha ayaa istaagtay si ay sheeno cajiib ah oo qoobka ciyaar ah uga muujiso goobta, laakiin waxaa ceebeeyey canbuurkii ay xirneyd kaasoo siinyeer lahaa isla markaana siinyeerkiisu furmay ka dib markii gabadhaan cayilan ay shaashadda ku aadisay dibkeeda.

Taasina waxay kalliftay inuu halkaas kasoo baxo muuqaal cajiib ah oo loo bixiyey muuqaalka Isbuucaan ugu yaabka badnaa adduunka.

Halkaan hoose ka daawan kartaa muuqaalkaas