Home » Ciyaaraha » Ciyaaryahanka Qadka Dhexe Ugu Ciyaara Kooxda Chelsea William Ayaa Ku Sheegay Wax Lagu Qosla Wararka La Xiriirinayo Kooxda PSG

Ciyaaryahanka Qadka Dhexe Ugu Ciyaara Kooxda Chelsea William Ayaa Ku Sheegay Wax Lagu Qosla Wararka La Xiriirinayo Kooxda PSG
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-10-16 9:37 PM

willian-cropped_qsxfuluo3lwt1xp1bi7fsag55

Xiddigan u dhashay dalka Brazil William ayaa lala xiriirinayey inuu ku biirayo kooxda ka dhisan garoonka Parc des Princes xagaagii lasoo dhaafay balse xaaladaas ayaanan dhicin.

28 Sanno jirkan ayaa ka dhawaajiyey inuusan heli wax bandhig ah kaasoo ugu yimid kooxda ka xamaalata Ligue 1 ka waxa uuna hoosta ka xariiqay inuu jecel yahay inuu baaqi kusii ahaado kooxdiisa Blues ka maadaama uu qandaraaska uu kula jiro kooxdaas uu ku egyahay xagaaga 2020 ka.

 “Waan aqriyey wararka ila xiriirinayey kooxda PSG, balse wax bandhig rasmi ah kama aan helin kooxdaas” William ayaa sidaas u sheegay France Football.

 “Qoyskeyga xasilooni ayey ku dareemayaa London, dhab ahaantii horyaalka Ingiriiskana aad ayaan u jeclahay, waxaana u aminsanahay inuu yahay midka ugu wanaagsan dunida”.

 “Weli wan kobcayaa waxaana ciyaarnaa kubadd qurxoon, waxaan halkan u joogaa inaan qandaraaskeyga dhameysto”.

 “Waxaase laga yaabaa inaan qandaraas kordhin u sameeyo kooxdeyda, waa hadii ay iga codsadaan inaan baaqi kusii ahaado. Waxaan ku farxi lahaa inaan halkan waayaheyga kubaddeed kusoo idleeyo”.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in William uu kooxda Chelsea kaga soo biiray kooxda Anzhi Makhachkala xagaagii 2013 ka, tan iyo xilligaasna waxa uu noqday mid kamid ah furayaasha kooxda Blues ka.