Home » Ciyaaraha » Conte oo kale cadeyay in oo baxaayo Diego Costa iyo In oo joogi doono

Conte oo kale cadeyay in oo baxaayo Diego Costa iyo In oo joogi doono
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 15-08-16 9:54 AM

Chelsea ayaa macallinkeeda Antoinio Conte wuxuu ka doonayaa Diego Costa in uu shabaqa cuskiyo 30 gool sanadkan.

Costa ayaa lagu war geliyay in laga doonayo in uu Chelsea gacanta ka saaro Premier League sida xilligii uu ku cusbaa horyaalka ee 2014-15 Stamford Bridge waxay u baahantahay ayuu macallinku yiri Gooldhaliyihii xilligaas ee kooxdan.

Conte ayaa sheegay in hadda loo helay weeraryahan kale kaasoo Belgium u dhashay Michy Batshuayi oo laga keenay Marseille wuxuuna hadda boos wadaag la noqon doonaa Costa oo tijaabadii u adkeyd gelaya tan iyo markii lasoo iibsaday.

Ninkan Talyaaniga ah ayaa u sheegay 27-jirka Spain Costa in uu diiradda saaro soo celinta Chelsea weerarkeeda laga cabsado, sumcadna ku leh kubbadda cagta ee England.

Costa ayaa dhalin kara 20 gool sanadkan uu horyaalka Premier League inaga noo furmayo Isniinta maanta ah kulan aan la qaadan doonno West Ham, Conte oo ku kalsoon wiilkiisa ayaa sheegay: “Maxaa dhacay 20 ilaa 30? Wuu dhalin karaa”