Home » Dhacdooyinka » Daawo Dhacdo la yaab leh: Hotel kuu sahlayo inaad isku mar seexatid labo dal oo kala duwan.

Daawo Dhacdo la yaab leh: Hotel kuu sahlayo inaad isku mar seexatid labo dal oo kala duwan.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 6-08-16 1:45 PM

Arbez waa Hotel ku yaala xuduuda kala barta dalalka Switzerland iyo France gaar ahaan meesha lagu magacaabo La Cure, waxa uuna kuu sahlayaa inaad labo dal oo kala duwan isku waqti aad seexatid.

Dhacdada layaabka leh ee Hotel kan leeyahay ayaa ah hadii aad qol ka kireysato qeybta Midigta ee Arbez, waxaa kuu suura galeysa in Madaxaaga uu yaalo dalka France halka Lugahaaga ay ahaanayaan kuwa ku jira dalka Switzerland.

Sida lagu daabacay wargeyska kasoo baxa dalka France Hotel ka waxaa kireysta kaliya lamaanayaasha is guursaday iyaga oo bisha malabka ku qaata, dhacdadan ayeyna ka noqotay Franch mid ay isugu faanaan.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Hotelkan dhismihiisa uu yahay qadiimi iyada oo la dhisay sanadkii 1860 kii, waxaana si rasmi hotel ahaan loogu iclaamiyey sanadkii 1921 kii kolkaas oo uu iibsaday ninka lagu magacaabo Jules-Jean Arbeze, waxaana lagu xajistaa hotelkan qiimo lacageed oo gaarayo(£81.50) taas oo u dhiganta dollar ahaan $107.

Halkan ka daawo Sawirada Hotel ka

1 2
3
4