Home » Arimaha Bulshada » Daawo: Lamaane u dhashay dalka Brazil oo noqday Lamaanayaashii ugu gaabnaa ebid.

Daawo: Lamaane u dhashay dalka Brazil oo noqday Lamaanayaashii ugu gaabnaa ebid.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 6-08-16 2:59 PM

Sida caadada ah Guurka waxa uu u baahan yahay u diyaar garow, Lamaanahan u dhashay dalka Brazil ayaa tilaabo horey usii qaadayo iyaga oo doonayo iney is guursadaan, Lamaanahan waxa ay u dhaw yihiin in loo aqoonsado kuwa ugu gaaban.

Paulo Gabriel ayaa shukaansanayey (haasaawe ) la sameynayey gabadha Katyucia Hoshino muddo ku dhawaad 8 sanno.

Paulo Gabriel waa 30 sanno jir dhirirkiisu yahay 34.8 Inch halka gabadha gacalisadiisuna ay jirto 26 Sanno dhirirkeeduna waa 35.2 Inch.

Lamaanahan waxaa loo aqoonsaday lamaanihii ugu gaabnaa dunida iyaga oo ku guuleystay “Guinness World Record”.

Lamaanahan waxa ay horey ugu soo muuqdeen barnaamij ka “Wait and See” “Sug oo fiiri” waxa ayna halkaas ku iclaamiyeen iney is guursanayaan.

Lamaanahan gaaban waxa ay noqdeen kuwa sameysta shacab badan waxa ayna taageerayaashooda ugu horeeya joogaan Sushi Restaurant.

Halkan hoose ka daawo Lamaanaha ugu gaaban dunida.

Lamaane Gaaban