Home » Arimaha Bulshada » Daawo Qaabkee ugu wanaagsan ee aad u dhaqdhaqaaqi xilliga foosha?

Daawo Qaabkee ugu wanaagsan ee aad u dhaqdhaqaaqi xilliga foosha?
Waxaa Qoray: Princess Mona /////////// Taariikh: 22-08-16 7:31 AM

Waxaa laga yaabaa inaad ka welwelsan tahay oo aad ka fikirayso maalinta dhalmada  iyo dareenka xiliga foosha gaar ahaan hadii aad tahay ugub.

Fooshu waxay u qeybsantaa 3 qeybood oo kala ah:

Qeybta koobaad: waxaa bilaabanaya inaad dareento fool taasoo ay sababayso isbedel ku imaanaya ilmo  galeenka,  si buuxda u furmayaa ilmo galeenka. Heerkaan foosha waxaa loo kala qaadaa laba qeybood oo kala ah:

  • Fool jajabow:  ilmo galeenka si tartiib ah ayuu u furmaa. 10 ama 15 kii daqiiqaba mar ayay timaadaa foosha hooyooyinka ilmaha horay usoo dhalay..gabdhaha ugubka ahna 20 kii daqiiqaba mar, way ka badan kartaa wayna ka yaraan kartaa.
  • Foosha firfircoon: Waa fooqabasho ka adag tii hore. Hadii uu kugu jiro shaki ah inay ku hayso foosha firfircoon waxaa muhiim ah inaad dhakhtarkaaga la xiriirtid.

Qeybta Labaad: Waa marka ilmaha soo baxayo, qeybtaan waxaa loo yaqaan marxalada “riixitaanka”.

Qeybta saddexaad: waa marka ilmuhu dhasho.

Calaamadaha foosha:

  • Maroojinta: Xanuunka foosha ayaa sii badanaya, waqtiyo isdaba joog ah ayuu imaanayaa.
  • Dilaaca xuubka: biyo ayaa kasoo burqanaya waxaana keenaya kiish dheecaan ah oo ilmaha ku hareeraysan oo dilaacaya.

Halkaan kaa daawo qaababka fiican ee dhaqdhaqaaqa xiliga foosha: