Home » Arimaha Bulshada » Daawo Qoys Muddo 23sanno ah La noolaa Xawaanka Khatarta Badan leh

Daawo Qoys Muddo 23sanno ah La noolaa Xawaanka Khatarta Badan leh
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 22-08-16 8:23 AM

Sheeko Jaceyl oo nooc gaar ah aadna nadir u ah ayaa kulmisay qoys Ruush ah iyo Madaxkuti weyne oo miisaankiisu gaarayo 136 Kg.

Jariidada la yiraahdo Daily Mail ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigtay qoys Ruush ah oo la nooleyd muddo 23 sanno Madaxkuti,  isagoo 3 bilood jira ayay soo heleen oo ay hooyadii geeriyootay.

Madaxkutidan ayaa la nool nin iyo naag is qaba iyagoo guri kaliya ku wadanool, waxa uu la daawadaa TV-ga waxa uu ka qeyb qaataa waraabka ubaxa ku beeran, waxa uu cunaa 25 Kg oo ukun iyo Kalluun ah iyo Khudaar maalin kasta.

Hooyada guriga oo la yiraahdo Svetlana ayaa waxay sheegtay in Madaxkutidu uu aad u jecelyahay in laabta la saaro, waana arrinka uu qoysku u sameeyo oo laabta ayaa la geliyaa markasta, qoyskan ayaa Madaxkutida siiyay Jacel farabadan iyo raashin ku filan, waana sirta wadanoolaashaha nabadda ku dhisan.