Home » Dhacdooyinka » Daawo: Waa kuwee 7 dii dhacdo dhimasho ee ugu yaab badneyd abid soo martay Dunida.

Daawo: Waa kuwee 7 dii dhacdo dhimasho ee ugu yaab badneyd abid soo martay Dunida.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 20-07-16 7:01 PM

Dhimashada ayaa ah waxa ugu dambeeyey oo ay naf waliba marta, hadii aynu nahay Muslim waxaan aminsanahay in geeridu xaq tahay wallo ay sidoo kale fikradan ay qabaan inta badan diimaha kale.
Iyada oo ay jirto midaas ayaa hadana dhimashada waxa loo aaneeyaa iney leedahay sabab, iyada oo ay Duqdinamadda, iyo Cudurka ay yihiin labada sababood ee ugu weyn.

Hadaba maanta waxaan idin soo gudbin doonaa maqaal aan kaga hadli doono dhimasho ku dhacday qaar kamid ah dad caan ka ahaa dunida iyaga oo u geeriyooday sabab hadii aad fiirisid la yaab leh

Hadaba halkan hoose ka aqriso liiska aan idin soo uruurinay iyo sababaha ay shaqsiyaadkaan u dhinteen (Maqaalkan iyo maqaaladda kale ee aan idin soo qorno waan soo turjumnay kaliya Internet ka ayeyna yaalaan sheekooyin hadii aad u baahan tahay)

 

2

Mid kamid ah ciyaar u dhaxeysay labo kooxood oo ka kala socday dalalka Congo iyo Chad ayey ka dhacday mucjiso aan caadi aheyn, ciyaarta oo mareysa bartamaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhacay Biriq taas oo dishay 11 kii laacib ee matalayey Chad halka ciyaaryahanadii keyd ka u fadhiyey kooxdan ka dhisan dalka Chad ay dhaawac kasoo gaartay biriqdaas, halka ciyaaryahanada martida loo ahaa aaney ku dhicin wax dhibaato ah.

Dhacdadaan amakaaga leh ayaa lagu sheegay in kooxda martida loo ahaa ay adeegsatay nuuc sixirka kamid ah iyada oo ka taqalustay dhamaan ciyaaryahanadii kasoo horjeeday.

4

 

Alan Stacy waxa uu kamid ahaa ciyaaryahanadii ka qeyb galayey tartan ‘Grand Prix’ ee ka tirsan ciyaaraha xawaaraha sare ee Formula One nuqulkiisa 1960 ka kaas oo lagu qabtay dalka Belguim ka, Dhacdadii ugu yaabka badneyd ee ku habsatay ayaa aheyd in Stacy oo ku wada gaariga xawaare kor u dhaafayo 120 KM/H ayaa waxaa si lama filaan ah wejiga ugu soo fuushay Shimbir, waxa uu kari waayey Alen inuu xakameeyey gaarigiisa waxa uuna ka baxay diiliintii Tartanka isaga oo garka u geliyey gaarigiisa gidaarka weyn ee ku daboolan garoonka, Halkaas ayuuna ku geeriyooday Alen Stacy.

Koenig

Lein Koenig oo kamid ahaa ciyaaryahanadii ugu magaca dheeraa berri ee ciyaari jirtay ciyaarta Baseball ka loo yaqaan aadna caanka ugu ah dalka Mareykanka ayaa maalin isaga oo saaran diyaarad u socotay Bufallo ayuu soo raacay isaga oo cabsan, waxa uu Koenig la murmay duuliyihii diyaarada isaga oo ku qasbay in duuliyaha uu gacanta ula tago kadib markii uu xoog ku maquuniyey kuna amray inuu ku dajiyo diyaarada meel aan loogu talo galin, Duuliyihii aya madaxa kaga dhuftay dab damistii yareyd ee surneyd dhanka dambe ee kursigiisa, nasiib darro waxaa madaxa dhiig ugu furmay Koenig, ugu dambeyn halkaas ayuu ku qurbaxay.

Philip
Philip Mclean iyo walaalkiisa ayaa booqasho ku tagay Beer lagu xanaaneeyo xoolaha waxa ayna halkaas kusoo arkeen Shimbirka loo yaqaan Cassowary ( Waa shimbirka sedexaad ee ugu xoogan hadana aan duulin), Labadan walaalaha ayaa go’aansaday iney dilaan shimbirkan ku mashquulsanaa wax cunista waxa ayna ku tuureen walxo ay gacmaha ku wateen, Shimbirkii ayaa carooday kadib markii ay wax ku dhufteen dhalinyarada wada socotay weyna kusoo booday oo waxa ay dhuunta kaga dhufatay Philip Garabkeedii, Philip oo argagaxsan ayaa isku dayey inuu cararo balse waa uu dhacay dhowr tilaabo kadib halkaas ayuuna ku dhintay, Waa dhacdadii ugu horeysay ee uu Cassowary ku dilay qof waxaana la diiwaan geliyey inuu wax weeraray shimbirkan 221 jeer.

Manaarad

Henry Hull waxa uu waardiye ka ahaa Manaarada ku taalay Cornwall sanadkii 1755 kii, 3dii bishii December 1755 kii ayaa waxaa dab ka kacay manaaradii uu ilaaliyaha ka ahaa, Henry iyo labo shaqsi kale waxa ay kamid ahaayeen dad goob joog u ahaa markii uu dabka qabsaday, waxa ay isku dayeen iney ka cararaan manaarada iyaga oo ka baqanayey dabka inuu haleelo, ugu dambeyn wey ku guuleysteen iney ka baxsadaan agagaarkii uu dabka ka kacay, Labo maalin kadib waxaa la helay Meyd ka Henry Hull iyada oo aan wax garaado ama calaamad aysan ka muuqan, Baaritaano la sameeyey kadib waxaa la ogaaday in Henry uu u geeriyooday qeyb kamid ah raashiin uu cunay iyada oo dabkii calooshiisa galay lagu qiyaasay 6 Gram

ASton

Arthur Aston waxa uu kamid ahaa ciidamadii soo maray Boqortooyada dalka Ingiriiska waxa uuna noloshiisa inta badan ku dhameystay dagaal isaga oo u dagaalamay dowladii uu hogaamiyaha ka ahaa Boqorkii xukumayey Ingiriiska xilligaas Charlie, Aston waxa uu lugtiisa ku waayey mid kamid ah dagaaladii uu ka qeyb galay waxaana loo sameeyey lug, Lugtaas ayaana sabab u noqotay dhimashada dagaalyahankii reer Britain Artuhr ASton, Maalin maalmahan kamid ah ayey tuugo soo weerareen ninkan, ragga soo weeraray waxa ay ka war heleen in hanti badan Arthur ay ugu jirta lugtan loo sameeyey, nasiib darro markii ay dileen ninkan ayey ka waayeen wax hanti ah.

 

10
Stoics Waxa uu ahaa Filoosifiista u dhashay dalka Giriiga waxa uuna soo hindisay fikrado badan oo ay kamid tahay Fiisigiska iyo Diinta iyo Xisaabaadka, balse waxa uu ugu jeclaa waxa ay aheyd Caqliga “Logic” , Maalin maalmaha kamid ah ayuu ninkaan siiyey dameerkiisa walxo ay ku jiraan qamri, Dameerkii ayaa bilaabay inuu cunno qodxaha yar yar ee uu leeyahay tiin ka Stoics waxa uu bilaabay inuu ku qosla dameerkii aad ayuuna u qoslay ilaa uu gaaray heer uu istaagay wadnihiisa, sidaas ayuu isagana ku naf waayey saynis yahankii weynaa ee reer Giriig.