Home » Arimaha Bulshada » Dadka jecel Shaaha iyo Kafeega oo loo saaray qalab cajiib ah oo ay ku sameynayaan Shaahooda (Daawo Muuqaal)

Dadka jecel Shaaha iyo Kafeega oo loo saaray qalab cajiib ah oo ay ku sameynayaan Shaahooda (Daawo Muuqaal)
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 7-08-16 11:16 AM

Ma tahay qof marka uu hurdada kasoo tooso ku bilowda cabida shaaha ama Kafee ga, hadaba hadii ad tahay waxaan kuu heynaa qorshe aad saacadaadii hore ee hurdada kaa toosin jirtay ugu badalan kartid saacad marka ay hurdada kaa toosineysa kuusii kululeyneysa Shaahaaga ama Kafee gaaga.

Waa riyo u rumowday dadka jecel cabida Shaaha iyo Kafeega, maadaama saacadan dhawaqeeda uusan kaa kicineyn kaliya misena kuu sii diyaarinayo shaahaaga ama Kafee gaaga hadba midka aad dhigatid

Saacadan ayey ku xeran tahay danabeeyaha Teleefan ka oo casri ah sidoo kalena waxa ay leedahay meel aad ku keydsan kartid shaahaaga ama kafee gaaga.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in qiimaha la siisto Qalabkan la yaabka leh uu sameeyey sare u kac tan iyo dhamaadkii bishii aynu kasoo gudubnay kolkaas oo uu ka hooseeyey qiimaha hada la siinayo 10% Qiimaha rasmiga ah ee Indiegogo lagu xusay ayaana ah $508,475.

Halkan ka daawo Muuqaalka Qalabka La yaab ka leh