Home » Ciyaaraha » David Cameron, Barack Obama Iyo Dadka Caanka Ah Ee Taageera Kooxaha Ka Dhisan London Sida Arsenal Iyo Chelsea

David Cameron, Barack Obama Iyo Dadka Caanka Ah Ee Taageera Kooxaha Ka Dhisan London Sida Arsenal Iyo Chelsea
Waxaa Qoray: Cabdu Wahaab Axmed Cali /////////// Taariikh: 3-09-16 3:58 PM

Waa sheeko cajiib ah isla markaana laba qeybood ka kooban taasoo aan kusoo saari doono shaqsiyaadka caanka ah ee taageeraha u ah kooxaha ka ciyaara horyaalka England Premier League oo xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 seddax wareeg laga ciyaaray.

Maanta waxaan soo qaadan doonaa afarta kooxood ee ugu tunka weyn caasimadda London waana Arsenal, Chelsea, Tottenham Hotspur iyo West Ham United, waxaana halkaan ku soo qaadan doonaa shaqsiyaadka caanka ah ee taageera kooxahaan. Kasoo biloow Snoop Dogg, Jay Z, Prince Harry illaa iyo Catherine Zeta-Jones.

TAAGEEREYAASHA CAANKA AH EE KOOXDA ARSENAL

Prince Harry – Boqorkaan Prince Harry ayaa dib usoo cusbooneysiiyey taageeradii uu u hayey kooxda Arsenal, waxaana xusid mudan inuu kulan la yeeshay Cesc Fabregas markii uu ahaa kabtanka Arsenal sannadkii 2007dii.

Prince Harry ayaa taageere u ah kooxda Arsenal

Prince Harry ayaa taageere u ah kooxda Arsenal

Piers Morgan – Waa shaqsi caan ka ah mareegaha Twitter waxaana lagu sheegaa taageeraha ugu caansan ee kooxda Arsenal, wuxuu hubanti mucaaradsan yahay falsafadda tababare Arsene Wenger laakiin hore ayuu afar sanno tikidhka xilli cyaareedka oo dhan uga goostay FLY Emirates Stadium.

Spike Lee – Wuxuu saaxiib dhow la yahay halyeeyga Arsenal Thierry Henry sidoo kale wuxuu taageere weyn u yahay falsafadda Wenger, halyeeyga agaasinka looga haray ee aflaanta Mareykanka ayaa xitaa Gunners ka caawiyey naqshadda maaliyaddeeda cusub.

Idris Elba – Hore ayuu u ahaa DJ caan ah waana xiddigii The Wire, Elba ayaa mar u waday Charlize Theron kulan ay ciyaareyso Arsenal laakiin gabadhaasi lama aysan taageerin kooxdaan.

Wiilka heesaha raabka Jay-Z iyo Chris Martin oo ku sugan Emirates Stadium

Wiilka heesaha raabka Jay-Z iyo Chris Martin oo ku sugan Emirates Stadium

Jay-Z – Inkastoo lagu xanto inuu isku bedelay taageere Manchester City ah sannadihii ugu dambeeyey hadana wareysi laga qaaday lix sanno ka hor ayuu ku qirtay taageerenimadiisa Arsenal.

TAAGEEREYAASHA CAANKA AH EE KOOXDA CHELSEA

Jeremy Clarkson – Soo jeediyaha canka ah ayaa markasta daawada kulamada ay Chelsea ku ciyaareyso Stamford Bridge, waxaana badnaa lagu arkaa kulamada kooxdaan ee tartanka UEFA Champions League.

Jeremy Clarkson ayaa si cad banaanka usoo dhiga taageeradiisa Chelsea

Jeremy Clarkson ayaa si cad banaanka usoo dhiga taageeradiisa Chelsea

Michael Caine – Atooraha reer England lama mid ahan saaxiibkiisa la hogaamiya filimka Batman ee Bale, Caine ayaa taageere weyn u ah kooxda Blues.

Ben Ainslie – Ninka ugu guulaha badan taariikhda ciyaaraha Olympics marka laga hadlayo dabaasha ayaa ah taageere ku dhinta Blues.

Damon Albarn – Muusigiistaha reer England isla markaana ku luqeeya heesaha bobka ayaa ah taageere weyn oo Chelsea h.

TAAGEEREYAASHA CAANKA AH EE KOOXDA TOTTENHAM

Adele – Gabadhaan heesaaga ayaa taageere weyn u ah kooxda Tottenham si la mid ah qoyskeeda oo idil.

John Cena – Xoogweynaha u shaqeeya shirkadda ciyaaraha musaaricada WWE isla markaana ah atooraha aflaanta Cena ayaa taageere weyn u ah Spurs. Waxaana lagu xusuustaa inuu soo booqday garoonka kooxdaan sannadkii 2008dii.

Jason Biggs – Atooraha reer America ayaa taageere weyn u ah kooxda Tottenham dhowr jeer ayuuna daawaday kulamo ka dhacay White Hart Line.

TAAGEEREYAASHA CAANKA AH EE KOOXDA WEST HAM UNITED

Barack Obama – Sannadkii 2003dii ayuu mar safar ku yimid caasimadda London waana waqtigii uu ololaha ugu jiray jagada madaxweyne ee Mareykanka wuxuuna go’aansaday inuu muujiyo kooxda uu ka teegeero horyaalka England Premier League oo uu ku sheegay West Ham.

Russell Brand – Waa taageere caan ah oo Hummers ah, majaajiliistahaan Brand ayaana taageere u ahaa kooxdaan tan iyo markii uu dhallintayaraa.

David Cameron – Madixii hore ee wasiiradda Britain ayaa lagu xantaa inuu taageere u yahay Aston Villa, balse hubanti looma hayo sidoo kale waxaa si weyn loo tilmaamay inuu taageero kooxda reer London ee West Ham.

Qeybta xigta waxaan kusoo qaadan doonaa taageereyaasha kooxaha waa weyn ee Manchester City, Manchester United, Liverpool iyo Everton.