Home » Bollywood » Deg Deg; Filimka Dishoom oo laga Mumnuucay in laga sii daayo Tiyaatarada Dalka Pakistan Sabab? (Warbixin )

Deg Deg; Filimka Dishoom oo laga Mumnuucay in laga sii daayo Tiyaatarada Dalka Pakistan Sabab? (Warbixin )
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 30-07-16 7:59 AM

Filimka Ee Hor kacayaan Aktarada John Abraham, Varun Dhawan Jacqueline Fernandez iyo Nargis Fakhri  Dishoom ayaa shalay la saaray Tiyaatarada Caalamka filimkaani ayaa wato jacel iyo dagaal Balse Nasiiib Daro filimkaani ayaa laga diiday in laga daawado Dalka Pakistan Sababo aan wili la xaqiijin .

Dishoom ayaa sido kale lagu Arki donaa Akshay Khan iyo Akshay Kumar Dowladda Pakistan ayaa xaqiijisay in Shekada filimkaan ee dhib ku tahay Dalkooda ee san  aqbali dooni in filimkaani laga sii daayo dalkaas .

Varun Dhawan iyo Nargis Fakhri ayaa arintaas ku tilmaamay mid aan macquul eheyn  Varun Dhawan oo ka Xanaaqay Amarka Dowladda Pakistan ayaa Yiri  ” Runtii Waan ka xumahay in Filimkeyna Dishoom laga Mamnuuco gudaha Pakistan  umana maleenayo inuu  filimkaan xambaarsanyahay fariin xumaan ah oo dalka saameeyneysa  Dowladda Pakistan Amarkooda waxaan u arkaa mid Qaldan .

Varuun Dhawan Ayaa Carabka Ku Dhuftay in filimkaan aan laheen  wax dhibaato  ku ah Pakistan Xidigaan ayaa Hadaladiisa Ku Daray  ”Waxaan jeclaan lahaa in sheekadaan la cadeeyo, ilaa iyo hada lama haayo cadeeeyn ay Pakistan wado ama gudo iyaga ka socda.

Varun Ayaa  sheegay in filimkaan ee Daawan Karaan  Indian, Pakistani, Hindu, Muslim IyoChristian Oo Filimkaan yahay mid Caadi ah aan diin logu hadleyn.