Home » Maxaa Cusub » Difaacadayaasha Champion ka Tag Team oo wajahayo koox ay cadaawad xun kala dhaxeyso SummerSlam ka

Difaacadayaasha Champion ka Tag Team oo wajahayo koox ay cadaawad xun kala dhaxeyso SummerSlam ka
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 8-08-16 6:52 PM

Shirkada qaabilsan Musaaracada ee Magaceeda loo soo gaabiyo WWE ayaa bayaan ay soo saartay ku cadeysay in kooxda New Day’s oo ku wada jiraan Xavier Woods iyo Kofi Kingstom ay difaacan doonaan Horyaalnimadooda iyaga oo ku wajahi doono Luke Gallows iyo Karl Anderson SummerSlam.

Labadan kooxood ayey cadaawad xoogan ka dhaxeysay todobaadyadii aynu kasoo gudubnay, Anderson iyo Gallows ayaana dhowr mar oo horey isaga horyimid xariga lagdanka.

Todobaadkii aynu kasoo gudubnay ciyaartii RAW ga ayeyna walaalaha wanaagsan (Good Brothers) ay kaga hor imaadeen dhigooda E da weyn (Big E) waxaana ciyaarrtaas badiyey Good Brothers.

Lagdankan ayaana noqonayo mid xamaasad ay ku dheehan tahay maadaama labadan kooxood la dhex dhigi doono Suunka.

Daawo ciyaartii RAW ga ee dhex martay New Day’s iyo  Luke Gallows & Karl Anderson