Home » Ciyaaraha » Everton Iyo Manchester City Oo Bilaabay Wadaxaajoodka Heshiiska John Stones

Everton Iyo Manchester City Oo Bilaabay Wadaxaajoodka Heshiiska John Stones
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-07-16 10:20 AM

John StonesTababaraha Everton Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa inuu wadahadallo kula jiro agaasimaha ciyaaraha kooxda Manchester City Txiki Begiristain si ay uga heshiiyaan qiimaha lacageed ee daafaca dambeedka dhexe John Stones.

Daafaca heerka caalami ee dalka England ayaa laga yaabaa inuu noqdo daaficii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta haddii ay Citizens ka bixiso qiimaha 51ka milyan oo ginni ah ee ay madaxiisa duldhigtay Everton.

Heshiiska Stones ayaan weli la isla meeldhigin, balse sida laga soo xigtay wargeyska Sunday Mirror, Koeman iyo Begiristain oo aqoon dheer isku leh isla markaana kasoo wadashaqeeyey Barcelona ayaa ku jira wadaxaajood ku aadan heshiiskaan.

Everton ayaa la sheegayaa inay kaash ku dooneyso 22 sanno jirkaan, laakiin waxay sidoo kale dooneysaa inay qeyb ka mid ah heshiiskaan kula soo wareegto gooldhaliyaha Man City Wilfried Bony si ay ugu xalliso dhibaatada ka heysata dhanka weerarka.

Haddii ay Man City bixiso qiimaha lacageed ee ay Toffees duldhigtay madaxa Stones markaas wuxuu jebin doonaa rikoorkii David Luiz – kaasoo ah daafaca ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta ka dib markii ay Paris Saint-Germain 50 milyan oo ginni uga iibsatay Chelsea xagaagii 2014kii.