Home » Arimaha Bulshada » Faa’iidooyinka ee leedahay Xulbada iyo Wax yaabaha Lagu Daaweyn Karo (Warbixin)

Faa’iidooyinka ee leedahay Xulbada iyo Wax yaabaha Lagu Daaweyn Karo (Warbixin)
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 8-08-16 11:31 AM

Xulbadu waa dhir-daweed waxtar badan Waxayna wax ka badali kartaa caafimaadkaaga iyo noloshaada. Xulbada waxaa laga sameeyaa dawooyin badan. Xulbada afka ayaa laga qaadan karaa korkana waa la marsan karaa.

1-kii qaado ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan:
  • 35.5 oo kaloori ah
  • 6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah
  • 2.5 garaam oo borotiin ah
  • 0.7 garaam oo dufan ah
  • 2.7 garaam oo fiber ah
  • 3.7 miliigaraam oo bir ah
  • 21 miligaraam oo macdanta magnesium ah
  • 32.6 miligaraam oo foosforas ah
  • 0.1 miligraam faytamiin B6 ah

Faa’iidooyinka xulbada

-Xulbadu waxay caawiisaa dhibaatooyinka dheefshiidka sida calool fadhiga iyo calool xanuunka.

-Waxay hoos u dhiigtaa caabuqa gudaha jirka sida boogaha afka, boronkiitada iyo qaaxada.

-Xulbada waxaa ku jira maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka iyo san xiranka sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka sanka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa..

-Xulbadu waxay hagaajisaa shaqada iyo rabitaanka galmada ee ragga.

-Saliida xulbada waxay khafiifisaa xanuunka caadada dumarka

-Xulbadu waxay kordhisaa caanaha hooyada ilmaha naaska nuujisa.

-Xulbada waxaa lagu daaweeya agoolka (dandruff)

-Xulbada waxaa ku jira borotiino timaha salka ka adkeeya islamarkaana kobciya koritaankooda, Sidoo kale waxay timaha ka ilaalisaa daadashada.

Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka.

]