Home » Bollywood » Fikrad ceynkee ah ayuu Akshay Kumar ka qabaa dowrkiisa film ka Rustom? Isaga ayaa kaaga jawaabaya.

Fikrad ceynkee ah ayuu Akshay Kumar ka qabaa dowrkiisa film ka Rustom? Isaga ayaa kaaga jawaabaya.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-07-16 8:01 AM

Akshay kumar ayaa doonayo inuu horey usii wado bandhigyadiisa ku aadan filimada uu sameynayo xilli uu jilaagan hadda ku howlan yahay sameynta Film ka Rustom.

Sida laga soo xigtay Jilaagan film ka Rustom ayaa laga sameeyey qisooyin dhab ah oo dhacay kuwaas oo la isugu keenay halka Film waana Film ka Rustom, Akshay Kumar ayaa ku jilli doono film ka dowr ka Kabtan dhanka badda ah waxaana qasmi doonto noloshiisa xilli uu farxad ku bilaabanayo marka hore.

Mar Akshay Kumar wax laga weydiiyey in sheekada Filmkiisa ay la mid tahay mida Film ka ‘Achanak’ Akshay ayaa ku jawaabay kaliya waxaan isaga mid nahay film kaas dhanka dilista kaliya waxa uuna hoosta ka xariiqay in sheekooyinka filimadan aysan aheyn kuwa isku raad ah.

Akshay oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyey “Maanan arkin jilaa Bollywood ka tirsan oo jilayo dowrka aniga aan sameeyey, aniga inta badan ma daawado filimada kale waxaa macquul ah iney dhacdo, balse maqal ahaan ima soo gaarin weli” .

“Waxaan kasoo ciyaaray dowrar badan midkana kama duwana kuwii aan kasoo ciyaaray, Nafsad ahaanteyda waxaan aminsanahay inaan ahay nasiiblow maxaa yeelay waxaan nasiib u yeeshay inaan jilo dowr Kabtan Badeed” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray.