Home » Arimaha Bulshada » Ganacsade China U Dhashay Oo 3.7 Milyan Oo Dollar Ku Bixiyey Inuu La Seexdo Seddax Gabdhood Oo Adduunka Caan Ka Ah & Wixii Ku Dhacay

Ganacsade China U Dhashay Oo 3.7 Milyan Oo Dollar Ku Bixiyey Inuu La Seexdo Seddax Gabdhood Oo Adduunka Caan Ka Ah & Wixii Ku Dhacay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 31-07-16 10:42 AM

vsaa-dsktp-adp-main-image-candiceCaalamkaan casriga ah waxa uu qofkasta doonayo waa magac oo keliya – ninkasta oo lacag lehna wuxuu ku riyoodaa inuu helo gabadha ugu magaca dheer adduunkaan waana hubanti inuu qiimo kasta oo lacageed ku bixinayo haddii uu awoodo.

Ganacsadaha China u dhashay ee lagu magacaabo Yu Martin Xu, ayaa caddeeyey inuu xafiiska wakaaladda Sydney Escort Agency ka ballanqaaday inay ka caawin doonaan inuu la seexdo atariishada shirkadda aflaanta Hollywood ee Megan Fox, si la mid ah gabadha heerka caalami ka gaartay modelka Candice Swanepoel iyo atariishada China u dhalatay ee Angelababy, wuxuuna miiska saaray adduun lacageed dhan 3.7 milyan oo dollar.

Mr. Xu ayaa xitaa bixiyey qiimo lacageed dullaal ah si loogu fududeeyo inuu la seexdo dhammaan seddaxdaan gabdhood ee adduunka shacbiyadda weyn ku leh, laakiin wakaaladdaan ayaa ka baxday ballankii ay ka qaaday.

Maadaama ay ballankii dhankooda kasoo bixi waayeen, sida ay caddeynayaan dukumiintiyo dacwo ah oo la dhigay maxkamadda South Wales Supreme Court, ganacsade Mr. Xu ayaa dalbaday in dib loogu soo celiyo lacagtiisa oo gaareysa 3.7 milyan oo dollar.

Tani Waa Atariishada Hollywood Ee Megan Fox – Isha Baahisay Warbixintaan Abc News:GTY_megan_fox_kab_140701_16x9_992

Tani Waa Supermodel Candice Swanepoel – Isha Baahisay Warkaan Waa Victoria Secret:vsaa-dsktp-adp-main-image-candice

Tani Waa Atariishada Reer China Angelababy – Isha Baahisay Warbixintaan The Au Review:Angelababy