Home » Arimaha Bulshada » Hadii Aad Dhawaan Billoowday Xiriir Cusub Oo Jaceyl Ah Waa Lagama Maarmaan Inaad Qaadato Tallooyinkaan Muhiimka Ah..

Hadii Aad Dhawaan Billoowday Xiriir Cusub Oo Jaceyl Ah Waa Lagama Maarmaan Inaad Qaadato Tallooyinkaan Muhiimka Ah..
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 29-07-16 7:41 AM

Waligaa Xiriirkaada Ka Ilaali Cadaadis, biloowga xariirka waa waqtiga ugu haboon ee dhageysiga iyo isku dayga aad qofka kale ku baarneyso in badan wax ka ogoow ka hor inta aadan qaadan go`aanada . Waxaad eegtaa in qorshayaashiisam ama qorshayayaashaada mustaqbalka ay is waafaqayaan , waana muhiim in dhinacyo badan ka eegto xiriirkaaga cusub.

Ogoow kulamaa labadiina xariirka aad ku faraxsan tihiin ma heleysaan fursad aad isku qilaaftaan oo ku aadan arimaha wada jirkiina marka haku soo qaadin midka kale su`aal la xariirta wax yaabaha uu damacsan yahay oo xoogaa u dul qaado illaa laga gaaro watqiga aad mowduucaas ku furi laheyd .

– Waqtiyada qaarkood Kala Fogaada : inkastoo qofka aad jeclaatay aad dooney so in waqti badan xagiisa ku qaadato oo maalintii dhan aad wada joogtaan balse ogoow taasi durba waxa ay daminy saa shumaca xiisaha , si shumaca u ahaado mid shidan waa in aad xoogaa waqtiyada qaarkood kala fogtihiin .

– Ha isku day in in saaxibkaa/saaxibadaa aad uga go`do asxaabtada kale oo aad iska dhaadhcin in kaliya u baahan tahay in xabiibkaada yahay qofka lkaliya ee aad u baahan tahay .

-Qofka Aad xariirka Biloowdeen Wax Waliba Oo Kugu Saabsan Ha U Sheegin: mararka qaar waa muhiim in aad qarsato xogaga gaarka ah ee kugu saabsan , wax waliba ha soo qufin oo kugu soo saabsan , kala garo waxa aad u sheegey so iyo waxa aad ka qarineyso