Home » Ciyaaraha » ‘Hart Waxaa haatan ka Wanaagsan De Gea iyo Neuer Kali Buffon oo Difaacay Joe Hart

‘Hart Waxaa haatan ka Wanaagsan De Gea iyo Neuer Kali Buffon oo Difaacay Joe Hart
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 18-08-16 9:28 AM

Juventus Goolhayaheeda Gianluigi Buffon ayaa ammaan u jeediyay Joe Hart oo uu leeyahay waad ka qaldantahay macallinka cusub ee Manchester City Pep Guardiola.

Guardiola ayaa ka doortay laacibkan Willy Caballero xilli uu horyaalkiisii ugu horreeyay uun hoggaan u yaay City wuxuuna doonayaa in uu soo iibsado Claudio Bravo oo sida uu aaminsanyahay ka ciyaar hooseeya Hart marka laga hadlo funaanadda No.1 xirashadeeda.

Buffon ayaa sheegaya in goolhayaha England uu yahay mid booskiisa si cad uga soo bixi kara haddii uu helo kalsooni, kaasoo uu sheegay in Manuel Pellegrini uu horyaalka ku qaaday 2013-14.

 “[Hart] wuu joogay booskan adiga kaa hor, waxaad dooneysaa in aad safka ka saarto, keddib wuu xumaan karaa maalmo,” laacibkan ayaa u sheegay Goal.

“De Gea iyo Neuer kaliya ayaan u arkaa hadda in ay ka wanaagsanyihiin, isaga wax ka wanaagsan labadaas ayaa ka jira, oo Hart waa ninka seddaxaad.