Home » Maxaa Cusub » Hoos u dhac aad u weyn oo laga dareemayo bandhiga WWE RAW tan iyo markii laga jaray SmackDown.

Hoos u dhac aad u weyn oo laga dareemayo bandhiga WWE RAW tan iyo markii laga jaray SmackDown.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-08-16 4:28 PM

Xalqadii la baahiyey 8dii August ee Bandhiga WWE Monday Night Raw ayaa waxaa daawaday 2.911 Milyan oo shaqsi guud ahaan sedexdii saacadood ee uu hawada ku jiray bandhigan.

Waana tiro ka yar 3 Milyan oo daawadeyaal, RAW ayaana lumiyey in ka badan 400 oo kun oo daawadeyaal marka loo fiiriyo todobaadkii lasoo dhaafay oo ay daawadeen 3.314 Milyan oo shaqsi.

Bandhigii ugu dambeeyey waxaa kasoo muuqday Ciyaar uu Cesaro la waajib gutay isaga oo wajahay Sheamus iyo Rusev intii lagu jiray bandhigan RAW, halka Ciyaaraha kale ay is arkeen Sasha Banks vs. Dana Brooke, Enzo Amore vs. Chris Jericho, Waxaana xiiso gaar ah laheyd inuu bandhigan kasoo muuqday Maamulaha guud ee bandhiga SmackDown Daniel Bryan.

Waa sida loo kala daawaday Saacadihii uu yaalay Bandhiga RAW

  • Saacada 1aad: 2,950 Milyan oo daawadeyaal
  • Saacada 2aad: 2.974 Milyan oo daawadeyaal
  • Saacada 3aad: 2.809 Milyan oo daawadeyaal

Daawashada Bandhiga RAW ayaa hoos u dhaceysay todobaad kasta tan iyo markii ay shirkada WWE gashay Samankan (Xilligan) cusub iyada oo la kala qaaday bandhigyada |RAW iyo SmackDown|.