Home » Layaabka » Hooyo Dhashay Mataano Sadex Jeer Labo Sano Gudahood.

Hooyo Dhashay Mataano Sadex Jeer Labo Sano Gudahood.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 21-07-16 8:10 AM

Markii Uu Danesha Couch Dhaqtarkeeda Usheegay Inay Uur Kale Sido oo Mataano Ah Way Aamini Waysay.

“Farxad Ayaan La Badbatay”Ayay Usheegtay InsideEdition.com Ayadoo Magaalada Kansas Joogta.

Waxay Tidhi”Diyaar Ayaan Ahaa Dharkayga Iyo Kabahayga Dhamaan Way Ii Diyaarsanaayeen Laakiin Maskax Ahaan Diyaar Uma Aheen,Bilooyin Ayay Igu Qaadatay Inaan Aqbalo”.

Couch Hada Way Ku Faraxsan Tahay Inay Maamo Unoqotay Dalaine Iyo Darla,Kuwaasoo Dhashay Bishii Hore,Kuwa Halka Sano Jira Dalilah Iyo Davina oo Dhashay May,2015 Iyo Labo Sano Jirka Danarious Oo DhashayApril2014.

Danariuos Sidoo Kale Wuxuu Ahaa Mataano Walaalkiisa Desmond Ayaa Ka Dhintay 5Daqiiqo Kadib Dhalashadiisa.

Hooyada Dhashay Caruurta oo Kahadlaysa Danariuos Waxay Tidhi”Waa Walaalka Ugu Wayn,Nasiib Wanaag Wuxuu Haystaa Ciyaal uu La Ciyaaro Kuwaasoo Uu Jecelyahay Inkastoo Walaalkiisa Aanu Noolayn”.

Shan Caruur Ah Oo Sadex Sano Gudohood Reera Kusoo Biiray Farxad Ayay Dareemayaan Qoyska,Couch Inta Aysan Dhalin Mataanaha Ugu Dambeeya Way Shaqeen Jirtay Laakiin Hada Waqtigeeda oo Dhan Waxay Ku Bixisaa Xanaaneenta Caruurta,Laakiin Seygeed Steff Wuxuu Wataa Shaqadiisa.

“Markasta Ayaga Ayaan Hayaa,Cunto Siiyaa,oo Ciyaarsiiyaa”Couch Ayaa Tiri Sidaas.

Nasiib Wanaag Waxay Leeyihiin Deris Wanaagsan Oo MarWalba Caawiya,Xitaa Caruurta La Dhaqma.

Laakiin Couch Ma Qorshaynayso Inay Dhasho Caruur Kale Waxay Tiri”Shantan Caruurta Ah Waxaa Laga Yaaba Inay Ku Koraan 10-15 Sanadood Wayna Igu Filan Yihiin”.