Home » Arimaha Bulshada » Isticmaalka habeenkii Mobile lada cusub ee casriga ah oo la sheegay in ay sacado badan dib u dhigaan hurdada

Isticmaalka habeenkii Mobile lada cusub ee casriga ah oo la sheegay in ay sacado badan dib u dhigaan hurdada
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 9-08-16 6:31 AM

Diktoorkan oo ka socda cusbitaalka caruurta ee Evelina Children’s Hospital London ayaa sheegay in noocyada cusub ee moobayladu ay yihiin qaar iftiinkoodu sii cadaanayo iyagoo bixinaya midab buluug ah.waxaanu ugu baaqay sharkadaha sameeya qalabkan inay muujiyaan masuuliyad aad u weyn.

Marka ay sii madoobataba habeenkii , jirku waxa uu soo saaraa hormoonka melatonin kaas oo huradada keena .

Professor Gringas oo isna ka tirsanaa koox daraasad ku sameeysay ilayska ka yimaada agabka la isticmaalo ayaa daraasadooda waxa ay ku soo gaba gabeeyeen in agabkani casriga ah ee la isticmaala ay ilays badan yahiin kuwii hore  isla markaana ay bixinayaan bidhaamo cadaan iyo buluug ah

Professorkan oo ku takhakhusay hurdada caruurta ayaa BBC-da websaytkeeda u sheegay “in maalintii ay wanaagsan tahay  , lakiin habeenkii ay dhibaato dhanka huradada ah leeyahiin” waxaanu intaa ku daray “waxaa jirta darasad kale oo iyadan sheegeysa in hadii aad moobayladani hor fadhido inay hurdadaada dib u dhigi karaan saacado dheraad ah”

Waxaana u sheegay in ay jiraan nidaamyo cusub oo dhimi kara iftiinada buluuga ah ee Moobaylada.