Home » Arimaha Bulshada » Isticmaalka Talefanadda Casriga iyo Ipad yada oo qatar weyn ku ah Caruurta Da’da yar .

Isticmaalka Talefanadda Casriga iyo Ipad yada oo qatar weyn ku ah Caruurta Da’da yar .
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 26-08-16 8:34 AM

Khubaraha  caafimaad ayaa ka digay in caruurta  da’da yar loo ogolaado  aaladda  haatan daafaha caalamka laga isticmaalo sida (iPad ka iyo Tablets ka) iyaga oo xaqiijiyey in ay ku keenaan ilmaha khalkhal dhinaca hadalka ah, ama in ilmuhu uu hore u hadal baran waayo, in uu bulshada ka dhex baxo oo hadhow uu noqdo qof dadka ka faquuqan isla markaana uu noqdo ruux aan awood u lahayn in uu doodo, arrimaha uu ka doodayo sababeeyo, isla markaana si qurux badan u cabiro fikirkiisa iyo waxa uurka ugu jira, ku dhacuna uu ku yaraado.

Baroofesor Olivier Hudi iyo 60 kale oo cilmi baaris  oo ku xeeldheer cilminafsiga caruurta ayaa sheegay in ilmaha ay soo jiitaan sawirrada iyo codadka quruxda badan ee tablet ka, sidaa awgeed haddii uu barto uu jeclaanayo laakiin uu ku keenayo xaalado ay ka mid tahay in ilmuhu hore u hadal baran waayo isla markaana shakhsiyaddiisu ay noqoto mid daciif ah.

Sidoo kale waxa uu ilmuhu noqdaa dhegweyn aan inta badan ka warqabin waxa hareerihiisa ka dhacaya, isla markaana aan waxba iska weydiin wax yaabaha isbeddelku ku imanayo ee uu arko, isla markaana qof quusan oo wax kasta oo xumaada aamina in aan dib loo hagaajin karin, tusaale ahaan haddii waxa uu ku ciyaarayaa ka jabo waxa uu u arkayaa in si la mid ah Tablet ka ay dib u hagaajinta shaygani adag tahay, sidaa awgeed dhaqso ayaa uu u quusanayaa.

Ilmuhu waxa uu noqdaa shakhsiyad war ma’og ah, ama damiin ah, carruurta da’diisa ahna aan dhex gelin oo aan la ciyaarin, waana sababta ay xeeldheerayaashani ugu taliyeen in carruurta laga ilaaliyo Tablet ka iyo xitaa talefannada casriga ah.

Hadaba matahay waalid caruur heysto fadlan ka jooji isticmaalka Aaladaha aan kor ku soo xusnay waa hubaal in ee adag tahay sida logu reybi lahaa ilmaha yar yar isticmaalka Aaladahaasi balse isku day adiga oo ka fakiraayo mustaqbalka ilmahaagi.