Home » Ciyaaraha » Joe Hart oo ugu helay koox uu kaga badbaado mashaqada macalin Pep Guardiola

Joe Hart oo ugu helay koox uu kaga badbaado mashaqada macalin Pep Guardiola
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-08-16 12:13 PM

Joe HartGoolhaye Joe Hart ayaa lasoo tabinayaa inuu tijaabada caafimaadka berri u mari doono kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga ee Torino, sida lagu xusay Sky SPorts.

Goolhayaha koowaad ee xulka Ingiriiska ayaa daaqada ka baxay kadib markii uu kooxda Manchester City yimid Macalinka reer Spain ee Pep Guardiola kaas oo ka saaray qorshihiisa koowaad goolhaye Joe Hart.

Macalinka xulka Ingiriiska Sam Allardyce ayaa u ogolaaday goolhayahan inuu siiyo fasax uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda ka xamaalata horyaalka Serie A da dalka Talyaaniga.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in Joe Hart uu ugu tagayo kooxda Manchester City qaab amaah ah, balse si rasmi ah looma shaacin mudada uu ku sugnaan doono horyaalka Serie A.