Home » Arimaha Bulshada » Ka faa’iideyso: Shaqooyin aan u baahneyn khibrad misena lacago badan laga helo karo.

Ka faa’iideyso: Shaqooyin aan u baahneyn khibrad misena lacago badan laga helo karo.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 21-08-16 3:33 PM

Dadka qaar ma jecla iney aadaan Koleej ama ay iska diiwan geliyaan goobaha waxbarashada, wallow kuwii wax bartay ay hadana bilaabaan marka ay dhameeyaan waxbarashadooda iney baadi goob u galaan shaqo iyaga oo jecel iney cagahooda ku istaagaan.

Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa maqaal ka hadlayo 5 ta shaqo ee dunida ugu mushaarka badan iyada oo ay dadka ka shaqeeya shaqadan aaney horey wax usoo baran.

Darawalka Gaarsiiye (Delivery Driver).

1

Dhab ahaantii ma aha shaqo u wanaagsan inta badan dadka balse waa shaqo uu qofka ku bilaaban karo kahor inta uusan si rasmi ah u bilaabin howlihiisa kale, wallow aysan aheyn shaqo mustaqbal leh hadana shaqadan waa shaqo uu shaqsi waliba kasoo xareyn karo 50 Kun oo dollar sanadkii.

Qaan aruuriye (Bill Collector).

2

Waxaa hubaal ah inuusan qofna jecleysaneyn inuu ka shaqeeyo shaqo lamid ah midan biil uruurinta, Shaqadan waxa uu shaqaalaha ku heli karaa sanadkii 60 Kun oo Dollar sida lagu xusay mana aha shaqadan mid u baahan khibrad, balse waa shaqo u baahan dhabar adeyg iyo inaad subax waliba hor istaagtid guryaha si aad ugu soo uruurisid lacagaha biilka ee laga rabo.

Waardiye Gaar (Security Guard).

3

Laga yaabe iney tahay shaqadan mid adag, hadana waardiyenimada waxa ay gaarsiisaa shaqsiga inuu helo lacago aad u fara badan, waxa ay ku xernaan doontaa hadba cida aad waardiyaha u noqoneysid ama aad ilaaliya u noqoneysid, hadii aad ilaaliye ka noqotid Safaarad iyo hadii aad ilaaliye ka noqotid Bar lacagaha kaasoo gali doono iskumid ma noqon doonaan.

Ninka baarka ka adeege (Bartender).

4

Shaqadan waa mid kamid ah shaqooyinka ugu fiican oo ay qabtaan dadka aan wax soo baran, shaqadan kaagama baahna wax qibrad ah, waxaana mushaar ahaan laguu siin doonaa sanadkii 40 Kun oo dollar, run ahaantii lacagtan uma xuma inuu qaato qof shaqo bilow ah ama shaqada ku cusub, waxaana xusid mudan in shaqadan ay sidoo kale leedahay mushaar kordhin.

Wade gaari iskuuleed (School Bus Driver).

5

Dhab ahaantii sida aan ka wada warqabano cidna ma jecla iney subax waliba u dulqaataan qeylada iyo sawaxanka kasoo yeerayo labaatameeyo caruur ah kuwaas oo laga soo kala uruuriyey reero kala duwan, balse shaqadan oo lagu qaadanayo 30 Kun oo dollar iyada oo aan kaaga baahneyn wax qibrad ah waa shaqo qof waliba oo lacag u baahan uu qaban karo.