Home » Hollywood » kooxda la magac baxday 5 Seconds of Summer oo online lagu dhacay. Qaabkee ayey ugu jawaabeen

kooxda la magac baxday 5 Seconds of Summer oo online lagu dhacay. Qaabkee ayey ugu jawaabeen
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-07-16 2:22 PM

Kooxda lagu magacaabo 5 Seconds of Summer oo isku diyaarinayey iney soo saaraan album kooda cusub ee lagu duubay Ghostbusters, balse nasiib darro qaar kamid taageerayaasha kooxdan ayaa kari waayey iney sugaan xilliga loogu tala galay in lagu soo saaro album kan ayaa ka warhelay in hees kamid heesihii album kooda la soo dhigay bogga bulshada, waxa ay soo bandhigeen Snapchat ka muuqaal muujinayo sida ay ugu xun yihiin in heesahooda la dhacay lana soo dhigay Internet ka.

5SOS ayaa helay hees lagu magacaabo “Hablaha waxa ay la hadlaan Inamada”, heystan ayaana qeyb ka ah album ka cusub ee la filayey inuu soo baxayo bisha ina soo aadan, ma cadda sida lagu xaday heestan “Hablaha waxa ay la hadlaan Inamada” soona dhigtay Internet ka.

Calum Hood, Ashton Irwin, Michael Clifford, iyo Luke Hemmings ayaa kamid ahaa dadkii ka xumaaday in heestooda lasoo dhigay Internet ka kahor inta aan si rasmi ah loogaaga soo deyn masraxa.

Waxa ayna Snapchat ka soo dhigeen caradooda ku aadan habka loola dhaqmay iyo dhaca loo geystay heestooda, Ashton ayaa iska soo duubay muuqaal uu iska dhigayo ninka ooynaya.