Home » Ciyaaraha » Kooxda ugu fiicneyd kulamada sedexaad ee horyaalka Ingiriiska oo lasoo saaray Yaa ku jira yaase ka maqan.

Kooxda ugu fiicneyd kulamada sedexaad ee horyaalka Ingiriiska oo lasoo saaray Yaa ku jira yaase ka maqan.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 29-08-16 10:38 AM

Ka dib todobaad kale oo qaab ciyaareed ilqabad leh, goolal ilqabad leh ay kasoo bexeen horyaalka England Premier League, shabakadda Goal.com oo kaashaneysa shabakadda arrimaha istaatistikada Opta ayaa soo saartay kooxdii ugu fiicneyd horyaalka Premier League Todobaadkiisii Seddaxaad.

SHAY GIVEN | Everton 1-0 STOKE CITY | Hubanti nasiib darro ayey ku aheyd in kooxdiisa looga adkaado gool ay iska dhalisay kulankii ay wajaheen Everton, laakiin ma jirin goolhaye sameeyey in ka badan 7 badbaado kulamadii Isbuuc dhammaadkaan ee horyaalka England Premier League, goolhayaha Stoke ayaana shaqadaas qabtay.

ANTONIO VALENCIA | Hull City 0-1 MANCHESTER UNITED | Wuxuu ahaa dhibaatada ugu badan ee ay la kulmeysay Hull marka laga hadlayo garabka midig ee Man United, wuxuuna keenay karoosyadii ugu badnaa Isbuuc dhammaadkaan ee horyaalka Premier League waana 14 karoos.

CURTIS DAVIES | HULL CITY 0-1 Manchester United | Wuxuu isku dhigay afar kubad oo shabaqa ku socotay, shan jeer ayuu kubadda ka reebay ciyaartoyda Man United oo kusii socda shabaqa kooxdiisa, halka uu laba jeer jillaafooyin ilqabad leh u dhigay xiddigaha Man United, isagoo muraayad u ahaa qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay Hull kusoo bandhigtay dhanka daafaca kulankii ay guuldarrada 1-0 ah kala kulmeen kooxda Jose Mourinho.

DALEY BLIND | Hull City 0-1 MANCHESTER UNITED | Caaqilka daafaca dhexe ee Man United ayaa markale soo bandhigay qaab ciyaareed wacan iyadoo Man United ay afka ciidda u dartay Hull – wuxuuna dhammeystiray 55 ka mid ah 57 baas oo u dhiibay asxaabtiisa Red Devils, waana sicir ka dhigan inuu ku guuleystay boqolkiiba 96.5 baasaskiisii.

LUKE SHAW | Hull City 0-1 MANCHESTER UNITED | Wuxuu awood u yeeshay inuu weerartamo ciyaarta oo dhan isagoo abuuray seddax fursadood oo goolal lagu dhalin karo kulankii ay guusha gaartay Man United, sidoo kale wuxuu sameeyey baaska ugu dhammeystiran marka daafacyada oo keliya la xisaabinayo qeybtii hore ee ciyaarta isagoo ku guuleystay 47 baas.

Farnandinho | MANCHESTER CITY 3-1 West Ham | Wuxuu dhaliyey gool, halka uu sidoo kale dhiibay 72 baas oo 66 ka mid ah uu dhammeystiray waxayna aheyd tiro ka badan ciyaaryahan kasta oo Axadii ku jiray Etihad Stadium.

DAVID SILVA | MANCHESTER CITY 3-1 West Ham | Wuxuu caawiye ka ahaa gool ka mid ah goolashii kooxdiisa, halka uu abuuray afar fursadood oo ay goolal ku dhalin kareen xiddigaha kooxdiisa oo gaaray guushoodii seddaxaad oo xiriir ah horyaalka Premier League.

RAHEEM STERLING | MANCHESTER CITY 3-1 West Ham | Sterling ayaa ku lug lahaa shan gool afar kulan oo uu ka hoos ciyaaray tababare Pep Guardiola, isagoo dhaliyey laba gool, halka uu seddax gool caawiyey. Waana tiro la mid ah waxqabadkiisii 22kii kulan oo uu ka hoos ciyaaray tababare Manuel Pellegrini.

WILLIAN | CHELSEA 3-0 Burnley | Wuxuu ahaa dhaliyaha goolkii labaad ee Chelsea kulankii ay guusha ka gaareen Burnley, halka uu hal abuure ka ahaa shan fursadood oo kale oo ay kooxdiisu goolal ku dhalin kartay isla kulankaas. Keliya hal baas ayuuna qalday isagoo dhiibay 46 kubadood.

EDEN HAZARD | CHELSEA 3-0 Burnley | Wuxuu dhaliyey goolkii furitaanka kulankii Stamford Bridge, halka uu isku deyey darbooyin ka badan ciyaaryahan kasta oo Premier League kulamadii Isbuuc dhammaadkaan waana afar darbo.

JAMIE VARDY | LEICESTER CITY 2-1 Swansea City | Ka dib goolkii uu dhaliyey Isbuuc dhammaadkaan, Vardy ayaa haatan shabaqa soo taabtay lix jeer todobadiisii kulan ee ugu dambeeyey Premier League ee uu u saftay kooxdiisa Foxes.

Tani waa kooxda Isbuuca horyaalka EPL oo dhammeystiran waxaana soo saaray Goal.com

Tani waa kooxda Isbuuca horyaalka EPL oo dhammeystiran waxaana soo saaray Goal.com