Home » Arimaha Bulshada » Ku Dhawaad 15 Cudur oo laga Qaado Cabista Sigaarka (Fadlan Iska Jooji Hadii aad cabto)

Ku Dhawaad 15 Cudur oo laga Qaado Cabista Sigaarka (Fadlan Iska Jooji Hadii aad cabto)
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 15-08-16 9:44 AM

Waxaanu manta soo qadaneyna dhibaatada oo keeno Sigaarka kaasi oo waqtiyadii dambe noqday mid si saaid ah loo cabo Shabakadda Somalistars.net oo ah shabakadda ka taliso waxyaabah u fiican dhalainta Soomaaliyeed meel kasta ee jogaan u soo gudbiso Manta waxaan soo qadanaeyna 15 Cudur ee laga dhaxlo Cabista Sigaarka .

Waa mid laga sameeyo caleenta geed dhirirkiisa yahay hal mitie geedka tubaakadaa Tobacco Tree caleentiisa waa mid sun waana mid halin u ah nafleyda .

Cilmi Baaris la sameyay ayaa lagu xaqiijiyay in geedkaasi qofka oo u gacan qaado dilo waana geed sun ah

 

Iyadoo sababtu tahay dareen Alle ku abuuray, shinbiraha  uma soo dhowaadaan geedka sigaarka laga sameeyo Sido kalena, shinnida uma soo dhowaato kumana dul degto ubaxiisana dheecaan kama nuugto waana mid ee wada ogyihiin  shimbiraha iyo shinidaa

Waxaa mid la yaab leh noqotay  qofka sigaar cabka ah oo Allahii abuuray siiyay caqli uu wax ku kala garto inuu hawadiisa raacay oo addoon ugu noqday qiiq wamaxay  qiiq waxuu  faaiido leeyahay?   Waxaynu ognahay inuu qiiqu dadka hawada oksi jiinka ka xiro oo caburiyo kadibna ay dhintaan waana mid hubaal ah .

 

Cudurada Sigaar Cabbiddu Keento waxaa ka mid ah:

– Maskaxda oo xinjiraysata

– Kaansarka ku dhaca cunaha ama booca

– Kaansarka ku dhaca sanbabada

– Kaansarka ku dhaca beer-yarada

– Kaansarka ku dhaca kaadi-haysta

– Sanbabada oo barara

– Lafaha oo bulula ama jileec noqda oo jabi og

– Habowlaha dhiigga qaada oo xirma

– Laab xanuun aad u daran (angina pectoris)

– Kaansarka caloosha ku dhaca (stomach cancer)

– Boog caloolo ama boogta gaastarikada (gastric ulcer)

– Kaaansarka ku dhaca ilma galeenka (riximka ama makaanka)

– Ilmaha uurjiifka ah oo daciif noqda

– Awood darada iyo hawlgabnimada ku dhacda raganimada ragga

 

fadlan waa naga codsi hadii aanu nahnay bahda somalistars.net iska jooji sigaar waa mid adag sida aad u joojin karto balse isku day waa wax halis u ah nafsadaada .