Home » Ciyaaraha » La Ogaaday: Goormee ayey Barcelona ku dhawaaqi doontaa saxiixa weeraryahan Paco Alcacer

La Ogaaday: Goormee ayey Barcelona ku dhawaaqi doontaa saxiixa weeraryahan Paco Alcacer
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 29-08-16 10:53 AM

Paco-Alcacer-1Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay maanta oo Isniin ah ku dhawaaqdo inay si rasmi ah ula soo wareegtay gooldhaliye Paco Alcacer.

Warbixintaan oo ay daabacday shabakadda Superdeporte ayaa soo jeedineysa inay La Blaugrana maanta si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto saxiixa gooldhaliyaha kooxda Valencia iyo qaranka Spain.

Kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga ayaa marka hore jeebka ugu shubi doonta kooxda Valencia adduun lacageed dhan 30 milyan oo euros, halka ay dib ka siin doonto 2 milyan oo euros oo ku xiran qaab ciyaareedka iyo guulaha uu mustaqbalka la gaaro 23 sanno jirkaani.

Barcelona ayey u badan tahay inay gooldhaliye Alcacer usoo bandhigto saxaafadda iyo taageereyaasheeda marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga ah.