Home » Arimaha Bulshada » La Yaab Daawo: Gabar 22 sanno kadib la kulantay nin bad baadiyey iyada oo kaliya dhalan 8 saacadood.

La Yaab Daawo: Gabar 22 sanno kadib la kulantay nin bad baadiyey iyada oo kaliya dhalan 8 saacadood.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 3-08-16 4:03 PM

Gabadhan u dhalatay London ayaa la bad baadiyey kaliya saacado kadib markii ay dunida kusoo biirtay,22 sano kadib waxa ay dib ula midowday ninkii helay nolosheeda bad baadiyey.

Kiran Sheik oo hadda ah 22 Sanno jir waxa ayna ogaatay inantan quruxda badan in nolosheeda la bad baadiyey iyada oo 8 sanno jir ah.

“inan luntay mise jahawareertay”, ayey tiri Kiran “Balse si la yaab leh waxaan helay qoys sharci ah [Biological Family] qoyskaas ayaana isoo koriyey.

Sannado badan kadib waxa ay ogaatay hooyadeed Kiran waxaana loo sheegay iney soo dhigta meel u dhaw Kabiinada telefoonada laga dirsado 30 kii April 1994.

“Waxa ay aheyd hooyo wanaagsan tan iyo markii uu bilaabay aabahey inuu dhibo” Kiran ayaa sidaas u sheegtay Inside Edition.

Sheik ayaa sheegtay iney ku dhawaad labo saacadood ku sugneyd gudaha Sanduuqa Telefoonka tan iyo ilaa saqdii dhexe kolkaas oo uu u yimid.

Campbel oo ah ninka bad baadiyey gabadhan ayaanan nasiib u yeelan inuu xananeeyo maadaama uusan aheyn xilligaas nin xaasle waxa uuna gacanta u geliyey hey’ada ku shaqada leh xanaaneynta caruurta.

Wargeska caanka ah ee kasoo baxa dalka Ingiriiska Metro ayaa u sameyey barnaamij uu ku mideynayo gabadhan iyo ninkii bad baadiyey.

Campbel hada waa abbe leh dhowr caruur halka Kiran Sheik iyaduna ay hooyo u tahay gabar labo sano jir.