Home » Dhacdooyinka » La yaab: Dalxiise u dhashay Shiinaha oo si leh loogu daray liiska qaxootiga Germany

La yaab: Dalxiise u dhashay Shiinaha oo si leh loogu daray liiska qaxootiga Germany
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 10-08-16 12:32 AM

Ninkan u dhashay dalka Shiinaha ayey dhacdo layaab leh ku qabsatay dalka Germany kadib markii ay ka luntay boorsadiisa jeebka

Ninka ugu sareeya Hey’ada Red Cross ka howl gashay dalka Germany Christoph Schluetermann ayaa u sheegay warbaahinta in ninkan u dhashay dalka Shiinaha uu mixnad madaxa la galay kadib markii uu waayey boorsadiisa gacanta.

Ninkan aan la garaneyn ayaa horaantii bishii aynu kasoo gudubnay ee July bilaabatay mixnadiisa xilli uu ku sugnaa Magaalada ku taal kuufurta galbeed ee dalka Germany Stuttgart, markii ay ka luntay boorsadiisii yarreyd ee gacanta halkii ay dadka u tilmaami lahaayeen booliska ayey u direen hey’ada qaabilsan qaxootiga dalkaasi Germany.

Chinese kan ayaa si toos ah loogu diray magaalada dhacda Waqooyiga galbeed ee dalka Germany Dortmund iyada oo halkaasi loogaaga sii gudbiyey xarunta ugu weyn ee qaxootiga Duelmen “Waxaa si fudud loogu sameeyey wixii uu sheegtay” ayuu Schluetermann ka dhawaajiyey.

Schluetermann oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ninka waxa uu ahaa mid dadka ka duwan, waxa uuna sidoo kale ahaa mid u baahan caawin, weliba caawin aad u sareysa”.

Kadib markii la isticmaalay Application ada wax turjumo iyada oo sidoo kale la helay dad u dhashay dalka Chine oo ay maqaayad ugu furantahay dalkaas Germany ayey arinta ninka noqotay mid cadaatay,. Ninkan Shiinaha u dhashay waxa uu doonayey inuu u socdaalo dalalka France iyo Italy, Ujeedadiisana ma aysan aheyn inuu qaxooti ahaan Jarmalka u joogo.

Ugu dambeyn waxaa xusid mudan in 31 sanno jirkan u dhashay dalka Chine uu ku sugnaa xarunta qaxootiga dalkaasi Germany muddo ku dhaw 12 maalmood