Home » Arimaha Bulshada » La Yaab sheeko Ka Qoslin Doonto

La Yaab sheeko Ka Qoslin Doonto
Waxaa Qoray: Princess Mona /////////// Taariikh: 2-09-16 3:48 PM

SHEEKO IGA QOSLISAY :::::::!!!!!!!!!

Imaamka masaajidka ayaa muxaadaro u jeediyey dadkii masjidka joogay, wuxuu wacdigiisa ku soo qaatay in raggu ay u dabacsananaadaan xaasaskooda oo ay u naxariistaan.
Hadaladii Imaamka waxaa ka mid ahaa, “tusaale markii ay xaaskaaga cunto kuu soo kariso oo ay kuu keento waxaa haboon inaad amaanto, Maashaa Allaah cunto macaan ayaad karisay aad baan uga helay IWM”
Nin kamid ah dadkii muxaadarada soo dhageystay ayaa markii uu gurigiisa yimid wuxuu isku dayay inuu dhaqan galiyo hadaladii Imaamka.
Xaaskiiisa ayaa casho u keentay, cuntadii ayuu bilaabay inuu cuno isagoo faraxsan oo macaansanaya, markii u dhameystay ayuu ku yiri xaaskiisa Maashaa Allaah cunto macaan ayaad karisay, aad bey u macaaneed runtii waan ka helay, aad ayaa u mahadsantahay gacaliso Allaah igama kaa qaado iyo hadalo kalo amaan ah oo badan.
Xaaskiisa ayaa ugu jawaabtay, 21 sano ayaan cunto kuu karinayay waligaana hal mar ma aadan amaanin, maanta markii ay cuntadaan dariska noo keeneen maad amaaneysaa.