Home » Ciyaaraha » Laacib Aguero Wax tartan ah kulama jiro Ibrahimovic

Laacib Aguero Wax tartan ah kulama jiro Ibrahimovic
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 28-08-16 9:11 AM

Sergio Aguero ayaa aad ugu faraxsan horyaalka cusub, wuxuuse ku adkeystay in uusan tartan kala dhexeyn isaga Zlatan Ibrahimovic si uu u noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya ee Premier League.

Ibrahimovic ayaa u dhaliyay 3 gool kooxda Man Utd, labadiisii kulan ee billowga horyaalka, in kastoo uu kulankii xalay ee 1-0 ay uga badiyeen Hull City uu fashilmay.

Aguero ayaa ka hadlay habka Danabka ah ee gooldhaliyaha Sweden uu ku billowday, balse Pep Guardiola, kooxdiisa kulanka u harsan waxay maanta la ciyaareysaa West Ham.

Argentine Gooldhaliyaheeda ayaa sheegaya in uu doonayo gooldhalinta balse uusan Tartan kula jirin laacibka dalka Sweden iyo Manchester United, Sanadkii hore ninka kaalinta 2-aad ka galay gooldhalinta horyaalka ayaa hadda muujiyay in uu jecelyahay in ay noqdaan kooxda horyaalka.