Home » Arimaha Bulshada » LABA KALA BARISAY KALA WAR LA’: Sheeko Xiisa Badan Oday Waayeel Ah Oo Qayaano Lala Yaabay U Geeystay Gabadh Yar Uu Ka Bartay Barta Bulshada Ee Facebook ga.

LABA KALA BARISAY KALA WAR LA’: Sheeko Xiisa Badan Oday Waayeel Ah Oo Qayaano Lala Yaabay U Geeystay Gabadh Yar Uu Ka Bartay Barta Bulshada Ee Facebook ga.
Waxaa Qoray: Cabdu Wahaab Axmed Cali /////////// Taariikh: 28-07-16 4:00 PM

Sida ay diinteena Saliimka ah na farayso iyo dhaqankeena suuban waxaa haboon in labada qof ee isku ayniga ah inay isguursadaan taas oo xitaa caafimaaad ahaan kuwanaagsan, mana haboona in ay isguursadaan laba qof oo kala da’ wayn ayna u dhaxayso farqi da’ aad u wayn.

Rasuulkeena Naxriis iyo Nabad galyo korkiisa ha ahaate waxaa uu ku yiri xilli uu la talinayay saxaabiga caanka ah ee Jaabir bin Cabdulah RC “Maad Guursatid gabadh yar oo kula ciyaarta,” Taas oo ka dhigan in Islaamku taageersan yahay in Qofba Aynigiisu inuu la ciyaaro, Balse Duluucda hadalkayga iyo hor dhaca faaladeeyda waxay qotontaa sheeko xiiso badan oo dhex martay Oday soomaliyeed oo wax badan qurbaha kusugnaa waligiina aan yagleelin guri u gaar oo ka bartay gabadh  da’yar ah oo isticmaaleeysay Aalada Facebook ga odayga ayaa gabadha iskugu sheegay inuu yahay 25 sano jir da’yar ah Yeelkeedee waxaa uu badalay magaciisa isagoo gabadha u sheegay inuu yahay qof hantiile ah.

Ileen Aadmigu wuu dilaa Hunguriga gabadhii oo aan hubsan Su’aalo badana aan iska weydiinin Waxa uu yahay qofkan iyo wuxuu noqon karo ayaa ku raacday Laba Arin Qurbo jacaylnimada waxaan kala jeedaa gabdhaha soomaaliyeed ee samanka ayaa ah kuwa aad u jecel dadka Qurbaha jooga iyo kuwa iska dhig dhiga iyo mida kale oo ah hantida waana qodob mar waliba lagu maago dumarka laguna sheego inay yihiin kuwa wax ka arka dhuunta.

Waxay sheeko socotayba arintii waxay noqotay mid la is fahmay oo dhag dhag kusii dhaw mid waliba iyo dibin daabyadiisa gooniga ah qofna ha raadiyo gabadh yar oo uu nolol la wadaago madaama uu waqti badan uu iskaabulonimo kaga lumay iyo dhanka kale gabadha oo raadinaysay lacag dheeri ah iyo hadii ay usuurta gasho in ay aado ama uu u qaado Wadamada reer galbeedka oo ay aad u xiiseeynaysay.

Warka Yaan idinku daalininee Ila daawo Natiijada iyo sheekada oo dhameeystiran iyo wixii intaas ka dambeeyay iyo wixii dhacay.