Home » Maxaa Cusub » Lacagta La Ganaaxi Doono Brock Lesnar Ka Dib Markii Lagu Helay Inuu Daroogo Isticmaalay

Lacagta La Ganaaxi Doono Brock Lesnar Ka Dib Markii Lagu Helay Inuu Daroogo Isticmaalay
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 17-07-16 10:48 AM

lesnar-hunt-1-620x350Haddii ay xaqiiq noqdaan wararka sheegaya inuu Brock Lesnar istimaalay daroogo sarre u qaadeysa tayadiisa ka hor dagaalkii UFC 200, markaas guddiga lagu magacaabo Nevada State Athletic Commission (NSAC) ayaa ku ganaaxi doona inuu bixiyo adduun lacageed dhan 1.25 milyan oo dollar illaa 1.875 milyan oo dollar, sida laga soo xigtay shabakadda Dailywrestlingnews.com.

Xeerka u yaalla Nevada State Athletic Commission (NSAC) ayaa dhigaya in xirfadleyaasha la ganaaxo boqolkiiba 50 illaa 70 lacagta ay ka helayaan dagaalka ay markaas helayaan ka hor inta aysan isticmaalin daroogada.

Wararka ayaana sheegaya inuu Lesnar ka helay dagaalkii uu la galay Mark Hunt ee UFC 200 adduun lacageed dhan 2.5 milyan oo dollar dagaalkaas oo 9kii bishaan July ka dhacay Las Vegas, Nevada. Si kastaba ha ahaatee, ganaaxa lacageed ayaa hoos u dhici kara haddii NSAC ay dareento inuu Lesnar si kama ah u isticmaalay dawooyinkaan mamnuuca ah ama uu u qaatay arrimo la xiriira tababarkiisa.

Dave Meltzer ayaa u sheegay Wrestling Observer Radio in laga yaabo inay NSAC xataa qiimo lacageed oo intaas ka badan ku ganaaxdo Lesnar maadaama uu lacag badan ka shaqeystay dagaalkii UFC 200. Weriyaha lagu ixtiraamo arrimaha musaaricada Meltzer ayaana xaqiijiyey inuu Lesnar guud ahaan 6 milyan oo dollar ka helay dagaalkii UFC 200.