Home » Maxaa Cusub » Lamaanayaashii ugu caansanaa Hollywood ka oo xiriirkoodii soo idlaaday sanadkan 2016 (Warbixin)

Lamaanayaashii ugu caansanaa Hollywood ka oo xiriirkoodii soo idlaaday sanadkan 2016 (Warbixin)
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-07-16 1:42 PM

Nick Young iyo Iggy Azalea

Nick Young nd Iggy

Kadib sanad oo uu soo socday xiriirkii ka dhaxeeyey Iggy Azalea iyo Nick Young waxa ay ugu dambeyn go’aansadeen iney soo gaba gabeeyaan xiriirkooda iyaga oo bishii June 19 keeda soo dhigay Bogga Instagram ka iney soo gaba gabeeyeen noloshooda wada socoshada.

Taylor Swift iyo Calvin Harris

Taylor Swift nd Calvin Harris

Pop star Taylor Swift iyo Saaxiibkeeda, Scottish ka ah ee DJ Calvin Harris ayaa xiriirkooda go’ay sida lagu daabacay June 1 dii, labadan lamaane ayaa wada socday tan iyo bishii March sanadkii 2015 ka, si dhab ah looma shaacin waxa ka dambeeyey inuu burburo xiriirka labadan lamaane.

Demi Lovato iyo Wilmer Valderrama

Demi Lovoto

Heesaayada ahna abwaanada sameysa heesaha Demi Lovato iyo jilaaga Wilmer Valderrama ayaa iyagana ka dhawaajiyey in xiriirkooda soo idlaaday June 3 deeda, Lamaanahan markii ugu dambeysay ee la isku arko waxa ay aheyd 19 kii Feb 2015 ka.

Dakota Johnson iyo Matthew Hitt

Dokota Johnson nd Matthew

Dakota Johnson iyo saaxiibkeeda u dhashay dalka Wales Matthew Hitt ayaa lasoo tabinayaa iney kala hareen kadib 2 sanno oo ay wada socdeen, Labadan lamaane ayaa markoodii ugu horeysay isku barteen xafladii gabadha uu dhalay Jilaaga Don Johnson iyaga oo xiriirkooda iclaamiyey markii ugu horeysay bishii July sanadkii 2014 ka.

Johnny Depp iyo Amber Heard

Johhny Depp nd Amber Heard

Gabadha reer Denmark ee ka ciyaarta dowrka caawinta Jilaanimo Amber Heard ayaa la furay kadib markii uu warqada furiinka usoo diray Johnny Depp 23kii bisha May, Lamaanaha ayaa wada socday kaliya 15 bilood, Lamaanahan ayaa ku kulmay film kii “The Rum Diary” sanadkii 2011 ka, waxa ayna is guursadeen 3 dii Ferbraury ee sanadkii tagay, waxa uuna arooskooda ka dhacay West Hollywood Home.

Sharon iyo Ozzy Osbourne

Sharon iyo Ozzy

Gabadha caanka ka ah Barnaamijka American Got Talent ee Sharon Osbourne iyo seygeeda Ozzy Osbourne ayaa kala haray sida lagu xusay wargeyska E! News, waana markii labaad ee xiriirkooda kala go’o labadan lamaane, Sharon ayaa horey u sheegtay sanadkii 2013 ka iney ka tageyso Seygeeda.

Kylie Jenner iyo Tyga

Kyle Jenner nd Tyga

Jilaayadda Kyle Jenner iyo Raabeeyaha canka ah ee Tyga ayaa mar kale ka dhawaajiyey inuu xiriirkooda soo afmeermay bishii May sida lagu daabacay People Magazine, labadan lamaane ayey soo laabatay saaxiibtinamooda bishii October sanadkii 2014 ka, xiriirkooda ma aysan soo bandhigin ilaa ay Jenner kasoo gaartay 18 sano.