Home » Arimaha Bulshada » Lamaane si layaab leh isku guursaday xilli ay ku guda jireen …..

Lamaane si layaab leh isku guursaday xilli ay ku guda jireen …..
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 16-08-16 10:13 AM

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dhacdo la yaab leh ka dhacdo magaalada ay ka socoto Olympic ada ee Rio, markii labaad ayaa si layaab leh lamaane matalayo dalalkooda ay isku guursadeen.

He Zi oo ah gabar mataleysa dalka Chine ayaa bandhig guur ah ka heshay jaceylkeeda Qin Kai oo isna ah shaqsi kamid ah dadka matalayo dalka Chine, labadan lamaane ayaa kaga duwanaa kuwii hore arin kale oo la yaab leh.

Qin Kai ayaa faraanti Diamond ah usoo bixiyey inta uu jilba jabsaday waxa uuna ka codsaday He Zi iney ogolaato inuu guursado.

waxaa xusid mudan in He Zi ay bandhigan guurka ka heshay saaxiibkeeda ku dalka ah ee Qin Kai xilli ay ku guuleysatay bilad iyada oo isla waqti xaadirka ay sugeysay iney hanato bilada dalabkan ka heshay saaxiibkeeda weyna ogolaatay.