Home » Arimaha Bulshada » Layaabka Aduunka: Labo Wiil Oo Mataano ah Balse Kale Aabo Noqday.

Layaabka Aduunka: Labo Wiil Oo Mataano ah Balse Kale Aabo Noqday.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 17-07-16 12:28 AM

Dalka Vietnam waxa ka dhacday sheeko yaab badan oo indhaha caalamka soo jiidatay noqotay na mid aad loola yaabo  , Sheekadaan ayaa waxaa idin soo gudbineyso Manta Shabakadda Somalistars.net .

Lamaane is qaba ayaa waxa soo kala dhax galay  shaki ku saabsan laba maataano ah oo wiilaal ah oo ay dhaleen, ka dib markii ay si weyn u kala duwan yihiin  dhanka isku Ekaanshaha, waxana shakiga dhaliyey ka dib markii mid yeeshay timo Malaas ah oo dheer dheer ah  halka kii kalena yeeshay timo aad u dhuu dhuuban ,  yaryar oo taag taagan. Aabaha ayaa arintaas si weyn uga doday, wuxuuna dalbaday in lagu sameeyo baaritaan, waxana la geeyey goob caafimaad oo ku samaysay baaritaan noociisa  {DNA}, waxana ka soo baxay arin yaab  ah, taasoo ah  in ilmaha mid ka mid ah uusan Aabuhu dhalin, balse labada Cunug  Hooyadu dhashay.

Madaxweynaha ururka Hidda raaca ee dalkaasi Le Dinh Luong ayaa sheegay in qadiyadani tahay mid ku yar dalkiisa iyo guud ahaan caalamba, isla markaana ay noqon karto mid dad badan la yaabaan, balse wuxu sheegay inay suuragal tahay, oo marka Ukumaha hooyadu diyaar u noqdaan inay Qarxaan haddii mudo shan maalmood guhadood ah ay la kulanto laba nin ay suuroobayso in Shahwo kastaa qarxiso ukunteeda sidaasna ay ku noqdaan mataano, laba Aabe leh oo hooyo wada dhashay.

Wuxuu sheegay in xaruntooda cilmi baaristu ay sameysay baaritaanka ayna ku xaqiijisay kala Duwaananshaha labada cunug ee dhanka Aabaha.

Bishii May sanadkii hore ayaa maxkamad ku taalaa dalka Maraykanku xukuntay kiis kanoo kale ah, ka dib markii ay sheegtay in nin la sheegay inuu mataano dhalay, uu lee yahay mid ka mid ah, ayna tahay inuu kaas Biilkiisa kaliya bixiyo.

Taasoo mar gilgishey Maraykanka balse DNA cadeysay in go’aanku ahaa mid sax ah.

Ugu danbeyntii dhacdadan ayaa sidoo kale waxa aad uga hadlay dhaqaatiir ku taqaqusay dhanka dhalmada iyo arimaha haweenka, waxayna isku raaceen in Haweenayda qawlaysataa xiliga inay Uur qaado jirkoodu u diyaarsan yahay ay suuragal tahay inay la timaado laba caruur ah oo kala Aabe ah, halka qaarkoodna ay hal Ukun uun diyaar tahay oo ay tahay cida ku horaysa ruuxa yeelanaya ilmaha ka sameysma qarxiska Shahwada ninka.

Xafiiska Arimaha Bulshada 

Somalistars.net 

Utrecht/ Holland