Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo War Wanaagsan Ka Heshay Doonistooda Xiddiga Reer Poland Piotr Zielinski.

Liverpool Oo War Wanaagsan Ka Heshay Doonistooda Xiddiga Reer Poland Piotr Zielinski.
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 13-06-16 8:56 PM

Liverpool ayaa rajo fiican ka heshay dadaalka ay ugu jirto inay kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Poland Piotr Zielinski ka dib markii wakiilka ciyaaryaahnka uu meesha ka saaray inuu xiddigaan ku biirayo Napoli.

Tababare Jurgen Klopp ayaa dalab 9.5 milyan ginni ka gudbiyay xiddiga khadka dhexe ee Udinese laakiin madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurent ayaa dhawaan sheegay inuu durbaba heshiis ka gaaray inuu la soo wareego Zielinski.

 

Wakiilkiisa ayaase beeniyay taas isagoo meesha ka saaray in ciyaaryahankaan uu u wareegayo Stadio San Paolo. Waxaana ay taasi sii kordhineysa fursada uu xiddigaan khadka dhexe ku imaan karo xagaagan garoonka Anfield.

“Haddii aan daafac u hadlo, ma jirto fursad uu ciyaaryahanka ugu wareegayo Napoli” ayuu Bartlomeij Bolek u sheegay Tuttomercatoweb.