Home » Ciyaaraha » Maanta oo kale: Kooxda Manchester City Ayaa Lasoo Saxiixatay Kevin De Bruyne

Maanta oo kale: Kooxda Manchester City Ayaa Lasoo Saxiixatay Kevin De Bruyne
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 30-08-16 11:09 AM

De BruyneCiyaaryahanka kooxda Manchester City Kevin De Bruyne ayaa maanta oo kale kusoo biiray kooxda City , xidigaan ayaana kasoo dhaqaaqay kooxda reer Germany ee Wolfsburge.

Xidigaan ayaa waxaa uu kamid ahaa xidigo uu wax badan bartilmeemeysaneyey Macalinkii hore ee City Manual Pellegrini waxaana hada xidigaan uu wax badan u qabtay kooxdiisa.

City ayaa ku faa’iday saxiixa ciyaaryahankaan kaasi oo kooxdiisa ka caawiyey xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay inay u dagaalanto horyaalka England Primer League, inkastoo ay ku dhameeystaya kaalinta afaraaad.

Maanta oo kale 30-kii August ayuu xidigaan kusoo biiray kooxda Manchester City sanadii 2015, waxaana City ciyaaryahankaan ay kusoo qaadatay lacag rikoor oo dhan £55m.