Home » Ciyaaraha » Markii Ugu Horeysay Kubadda Cagta Oo La Bixiyey Kaaraka Cagaaran Yaa La Siiyey Kaarkan?

Markii Ugu Horeysay Kubadda Cagta Oo La Bixiyey Kaaraka Cagaaran Yaa La Siiyey Kaarkan?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 11-10-16 4:05 PM

Cristian Galano oo u ciyaara kooxda VICENZA ee horyaalka heerka labaad ee dalka Italy ayaa noqday ciyaaryahan nasiib u saaxiib ah maadaama uu qaatay kaarkii ugu horreeyey ee cagaaran ee laga bixiyo kubadda cagta (Football’s First Ever Green Card).

Bilowgii xilli ciyaareedkaan horyaalka Serie B, xiriirka kubadda cagta Italy ayaa xaqiijiyey in kaarka cagaaran lagu soo kordhin doono horyaalka Serie B isla markaana la siin doono ciyaartoyda muujisa ciyaar wanaagga.

Ciyaartii hadaba Talaadadii ka dhacday Waqooyi Galbeedka dalka Italy, guud ahaan kubadda cagta ayaa waxaa halkaas uga soo baxay rikoor cusub iyadoo garsoore Marco Mainardi uu go’aansaday inuu calaamadda ciyaar wanaagga u taago Galano maadaama uu muujiyey ciyaar wanaag uu ugu qalmay kaarkaan.

Daqiiqadii 53aad, garsoore Mainardi ayaa koorno u dhigay kooxda Vicenza, laakiin weeraryahanka kooxdaas Galano ayaa garsooraha u xaqiijiyey in uusan kubadda taaban daafaca lagu magacaabo Virtus Entella.

Garsooraha ayaana falkaas ku abaalmariyey Galano isagoo u taagay kaarka cagaarka ah, waxaana xusid mudan in abaalmarin dhanka ciyaar wanaagga ah la siin doono shaqsiga ugu badan ee la siiyo kaarkaan dhammaadka xilli ciyaareedkaan horyaalka Serie B.

Madaxweynaha horyaalka Serie B ee Andrea Abodi ayaa sheegay inay ciyaartoydu u baahan yihiin inay muujiyaan ciyaar wanaag iyo dabeecad saliim ah si ay u helaan kaarkaan cagaarka ah.

Kaarkaan cagaarka ah ayaana la filayaa inay FIFA dhowaan si toos ah uga dhaqangeliso guud ahaan tartamada kubadda cagta, si ciyaartoyda oo dhan looga dhaadhiciyo inay daacadnimo muujiyaan oo ay khiyaanada ciyaaraha ka tanasulaan si ay u muteystaan kaarkaa