Home » Arimaha Bulshada » Maskiin Taajir Noqday Misna Abaalkii 20 sano ka hor lo galay Guday Sheeko Xiiso leh.

Maskiin Taajir Noqday Misna Abaalkii 20 sano ka hor lo galay Guday Sheeko Xiiso leh.
Waxaa Qoray: Mohammed Abdirahman Omar /////////// Taariikh: 24-07-16 8:15 AM

Ganasatada Shiinaha kuwooda ugu waaweyn mid kamid ah ayaa waxa uu 1 milyan oo yuan($160 kun), waxaanuu lacagtaa siiyay haweenay abaal u gashay maruu dawarsanayay waddooyinka 20 sanno ka hor.

Sheekadan ayaa bilaabatay 1993, markii Hee Rongfeng oo 17sanno jir ahaa uu ku khasbanaaday inuu tuurgsado waddooyinka magaalada Taizhou gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha, si uu qoyskiisa u quudiyo, waxa uu yiri; “aniga iyo labo kamid ah saaxiibaday ayaa aadday Taizhou anagoo shaqo doon ah , laakiin wax shaqo ah ma aanan helin, waxaan ku dambeynay inaan waddooyinka tuugsanno, gaajaa na qabatay, dadkii waddooyinka ayaa wax weydiisannay, illaa ay nooga soo baxdo haweenaydan”.

Haweenaydan ayaa ahady Dai Zyingfn oo iyadu markaa haysatay tukaan yar oo lagu iibiyo baastada , waxayna siisay raashin iyo hoy ay seexdaan, waxayna xiriir la sameysay dad iyada macaarif la ahaa si ay shaqo ugu hesho, xitaa lacagtii ay tareenka ku raacayeen iyadaa kasii bixisay. Laakiin Rongfegng abaalkaa ma illoobin waligii , markii uu taajir noqday , waxa uu go’aan saday inuu raadiyo oo uu u baalgudo, isagaa lugu hiisa ugu tagay, waxaanuu siiyay lacagtaa aan soo sheegnay isagoo u mahadceliyay waliba, waxaanuu tilmaamay haddii aaney haweenaydaasi abaalka u gali lahayn 21 sanno ka hor inaanuu taajir noqdaan heerka uu joogana aanuu gaareen.

Abaal nin gala waa la arkaa, nin gudaase waa yar yahay.
tuugsade