Home » Arimaha Bulshada » Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya Inuu Geeriyooday Mr Bean?

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya Inuu Geeriyooday Mr Bean?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 18-07-16 9:51 AM

Rowan Atkinson PhotocallShactaroolihii jiray filimkii caan baxay ee MR BEAN ninka lagu magacaabo Rowan Atkinson ayaa la isla dhexmarayaa inuu qurbaxay, sida ay sheegayaan caddeymo lasoo dhigayo baraha bulshadu ku kulanto sida Twitter iyo Facebook.

61 sanno jirkaan jilaaga ah ayaa ku caan baxay doorkiisii aflaantii shactirada ee Blackadder iyo Mr Bean, laakiin haatan waxaa la isla dhexmarayaa inuu geeriyooday shaqsigii dhabta ahaa isla markaana caanka ahaa ee jilay aflaantaas.

Wararka ayaa sheegaya inuu Atkinson isagu isdilay isla markaana ay fashilmeen qorsheyaal lagu doonayey in noloshiisa lagu badbaadiyo.

Xataa arrintaan ayaa gaartay inay BBC daabacday maqaal tacsi ah oo ay ku xusuusaneyso jilaagaan caanka ahaa. Si kastaba ha ahaatee, illaa haatan ma jiraan shaqsiyaad ama wakiilo u hadlay qoyska Atkinson oo xaqiijiyey dhimashadiisa.ra1