Home » Arimaha Bulshada » Maxaa Ka Taqaan Dhibaatada ee leedahay Cabista Shiishada (Warbixin )

Maxaa Ka Taqaan Dhibaatada ee leedahay Cabista Shiishada (Warbixin )
Waxaa Qoray: Salman Abdullahi /////////// Taariikh: 14-08-16 9:30 PM

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxdey isla markaana lagu daabacay shabakad ka faaloota arimaha caafimaadka ee lagu magacaabo (Life Science) ayaa lagu xaqiijiyey in biyaha ku jira Shiishada  la nuugaa leeyihiin waxyeelo lamid ah ta sigaarku  leeyahay, isla markaana ay biyahaasi wataan carbon monoxide, iyada oo tuumbooyinka uu soo maro qiiqa Shiishada la sheegay in laga qaadi karo cuduro uu ka mid yahay kansarka.
Mr Cilmibnaare u dhashay wadanka Mareykanka oo u xilsaaran culuunta ku aadan dabagalka cudurka kansarka, kana tirsan urur lagu magacaabo The Center Of Wake Forest Baptist Medical Warren Sutphin ayaa sheegay in da’yar fara badani ay ka qabaan fikir qaldan waxyeelada Shiishada , iyaga oo sheegay in ay ka waxyeelo yar tahay sigaarka arintaas  oo uu sheegay in ay tahay  mid been .
Dad Cilmi baaris ah kana  tirsan 8 Jaamacadood oo ku yaal gobolka North Carolina ee wadanka Mareykanka ayaa sheegay in 40.3% dhalinyarada ku dhaqan gaar ahaan ardeydu ay sadex meelood cabaan Shiishada , iyaga oo tubaako ku darsanaya halka 46.6% ay sigaarka ka cabaan. Daraasada waxa lagu ogaaday in 25% ardeydu xiligani sigaar qiijaan  halka 17.4% ay Shiishada  isticmalaan . Waxana badi tiradaasi la sheegay in ay u badan yihiin Dumarka  da’yarta ah.
Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in meelaha lagu caweeyo iyo maqaaxiyaha Shiishada lagu cabo  aan si wanaagsan loo nadiifin, iyada oo ay dhici karto in ay tuunbooyinka lagu cabaa  ay xambaarsan yihiin cuduro infection iyo waliba bacteria.