Home » Arimaha Bulshada » Maxaa Kala Qabsaday Nin Muslim Ah Iyo Adeege Diyaarad Oo Isku Deyey Inuu Ku Xadgudbo?

Maxaa Kala Qabsaday Nin Muslim Ah Iyo Adeege Diyaarad Oo Isku Deyey Inuu Ku Xadgudbo?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 6-09-16 7:19 PM

Nin Muslim ah oo aad ugu ad-adag diintiisa ayaa hada ka hor soo raacey Diyaarad. Markii mudo hawada lagu jirey ayaa ninkii waxaa u timid gabar ka mid ah shaqaalaha diyaarada oo Qamri wareejineysa dabeedna waxey ku tiri qamriga ma ku siiyaa, Laakin ninka oo ahaa qof Ilahey siiyey Iimaan ayaa yiri: “Maya uma baahni waad Mahadsantahay”

Xoogaa ka dib misana Waxaa u timid isla gabadhii oo wada dhaladii Qamriga, laakin waxey kala kulantey isla jawaabtii hore ee aheyd: Mahadsanid uma baahni!!

mudo kadib gabadhii oo la yaaban ninkan, diidan qamrigaan qaaliga ah, ayey ku tiri ninkii shaqaalaha diyaarada u sareeyey: “ninkaa wuu iga diidey sharaabkan, ee waa intaas uu kaa yeelaaye u gee adiga?”

Ninkii baa soo qaadey dhaladii qamriga ahaa, markuu u keeney ninkii muslim ka ahaa ayuu ku yiri: “Mahadsanid uma baahni”

markaa buu yiri: “ninyahow maxaad ku diideesaa! miyaadan ka helin adeega diyaarada?”

Ninkii oo caaqil ahaa baa yiri: “Orodoo sii qamriga duuliyaha diyaarada?”

Markaa buu yiri: “Ma waalantahey!! sideen u siiyaa duuliyaha qamri, waajibaadkiisa ayuu gudanayaa, haduu cabo qamrigana Diyaaradoo dhan baa burbureysa!!”

Ninkii muslimka ahaa baa yiri: “hadaba anigana Muslim baan ahey, waxaana gudanayaa waajibaadkeyga ah inaan caabudo Rabbigeyga, hadii aan cabana Qamrigan nolosheyda dhan ayaa Burbureysa Aduun iyo Aakhiroba!!