Home » Maxaa Cusub » Maxaa Kusoo Kordhay Xaaladda Halyeeyga WWE Booker T Kaasoo Dhowaan Isbitaalka La Dhigay?

Maxaa Kusoo Kordhay Xaaladda Halyeeyga WWE Booker T Kaasoo Dhowaan Isbitaalka La Dhigay?
Waxaa Qoray: admin /////////// Taariikh: 2-08-16 1:40 PM

Sida horraantiiba ay wararku sheegeyeen halyeeyga ciyaaraha legdanka WWE Booker T isla markaana lagu daray liiska dadka lagu qiimeeyo ciyaarahaan ee Hall of Famer ayaa isbitaal la dhigay Isbuuc dhammaadkaan.

Xaaskiisa Sharmell ayaana warkaan daaha uga qaaday barteeda Instagram iyadoo adduunka la wadaagtay warkaan ku aadan xaaladda seygeeda.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin xilliga uu Booker kusoo laaban doono shaqadiisa tebiyenimo ee WWE wuxuuna seegay bandhiggii Monday Night RAW ee xalay.

Shabakadda PWInsider ayaa ku warameysa inuu Booker maray qalliin xusulka ah Isbuuc dhammaadkaan. Wuxuuna dhaawacaan la dhibtoonayey tan iyo sannadkii 2013kii, sababta isbitaalka loo dhigay ayaana ah si qalliin guul leh loogu sameeyo si uusan markale ugu dhibtoon xanuunka dhaawacaan